DAAWO VIDEO:Qalbi Dhagax oo Ka Hadlay Khayre Inuu Mudan Yahay Inuu Madaxweyne Isku Sharaxo Iyo Cida Dhiibtey

Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbidhagax ayaa cadeeyey cidda ay la tahay inay masuul ka aheyd in loo dhiibo Itoobiya, sidoo kale waxa uu ka hadlay waxa uu ka aaminsanyahay musharaxnimada Xasan Cali Kheyre.

“Dunuubtan tirada badan ee dalka ka dhacay, markii aan si fiican u qiimeyno waxaa jira qof wadankan loo doortay, shacabka Soomaaliyeed baarlamaanka ay soo doorteen waxay cod siiyeen Farmaajo, isaga ayey aheyd inuu xafido xuquuqda qofka mawaadinta ah intii uu awoodo, dembi kasta oo dhacay marka waxaa mas’uuliyadiisa koowaad iska leh Madaxweynihii umadaan ay dooratay Maxamed Cabdullahi Farmaajo,” ayuu yiri Qalbidhagax.

Mar wax laga weydiiyey sida uu arko musharaxminada Kheyre oo xilligii la dhiibay ahaa wasiirkii koowaad ee xukuumadda ayuu sheegay inuu bogaadinayo, hadii Kheyre isu arkay inuu yahay nin Soomaali wax tari kara.

Sidoo kale Qalbidhagax ayaa shaaciyey xog uu ka helay sidii isaga ururkii uu ka tirsanaa ee ONLF loogu daray liiska argagixisada, isagoo sheegay inay fiicnaan laheyd in Kheyre cadeeyo doorkii uu ku lahaa dhiibistiisa.

Waxa uu sheegay in Kheyre ay la gudboontahay inuu yiraahdo ‘qaladkii dhacay intaas ayaan ku lahaa ee hala iga raali noqdo’ maadaama sida uu sheegay Qalbidhagax bini’aadanku qaldami karo mar kasta.

Sidoo kale Cabdikariin Qalbidhagax ayaa sheegay inuu aad ugu farxay markii uu arkay Xasan Cali Kheyre oo Cabdiraxmaan Cabdishakuur ka raali geliyey doorkii uu ku lahaa wixii loo geystay.

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

2 Comments

  1. Qalbi dhagax mahan sidii laiigu shagay
    Dhibistiisii waxaan ogaday inuu ahaa
    Nin somali ah laakiin aan lahayen
    Hadaf fog tusaale 2019 kenya oo
    Cayayso oo dilayso dadka somalia
    Ayuu kismanyo lajogay oo uu kufaraxsanaa
    Tankale 4 jeer baan kamidnoqday dad
    Caawiyay qoskiisa taas oo aan usamayay
    Inaan markaas uarkayay muwadin dulman
    Laakiin ninkaas mahan saan moday
    Kenya iyo Ethiopia 2 duba dhul bay haystaan oo gumaystan waxaa ahayed hadii uu wadani yahay inuu lasfto somali wayen
    Hayeeshee kuwiii dhiibay way dulmiyeen
    Inay rali bixiyaana waxa kamaqabo

  2. Mudane Qalbidhagax inuu yahay halyey Soomaaliyeed waynu u wada qirsannahay oo dhibaatooyinkii loo geystayna waynu ka xunnahay, shaki la’aan. Waxaa se qalad ku ah inuu ama isagu mansabkiisaas sare ugu takrifalo jahawareerinta shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan ikhtiyaarkooda doorashada la saadaalinayo, ama se isaga loo adeegsado aalad barabagaan ah ee loogu awrkacsanayo danooyin shakhsiyadeed ee damaca doorashada ku aaddan.

    Mudane Qalbidhagax marna kuma habboonayn inuu mansabkiisaas sarreeya iskaga safaado inta maanka lagaga xado amaba laaluush xaaraan ah loogu ilduufsado xayeysiinta shakhsiyaad gaar ah ee uu damacu ka hayo kursiga madaxweyne ee dalka. Marka uu shakhsigaasu yahay mid isla dowladdii Qalbidhagax godobta xun ka gashay xubin sare ka ahaa oo go’aankaas lug iyo gacan ba ku lahaa sida Xassan Kheyrre, Qalbidhagax waxaa ay xayeysiintiisa shakhsigaas qummati uga xayuubinaysaa darajadaas sarreysa ee mujtamaca Soomaaliyeed ku lahaa.

    Siyaasiyiinta casrigan waa arddaallo aan waxba xeerinin oo in si xasaasi leh looga taxaddaro uu waajibku nagu wada yahay. Wax walba oo diinteenna iyo dhaqankeenna ka baxsan oo gaalada lagaga dayanayo ay ku kacayaan. Dad badan baa doorashadan qalaad u riyaaqaya, anigu se uma arko mid dhaqan xumo, hoog, iyo halaag mooyee aan wanaag u soo kordhin doonin habayaraato ee.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*