DAAWO VIDEO:Soomaliland oo Dagaalka Tigray-ga Laga dareemay,Kuna Dhawaaqday Duco uun Inay Ku Tageerayaan.

Hadal haynta Ugu Weyn ee Aduunka hada Dagaalka Itoobiya Waxay Tahay saamaynta Ay Soomaaliya Ku Leedahay Haduu dagaalka Sii Socdo,waxaase Ilaa hada Soo baxaya Ayaa Ah laba Arin samaynta Ugu Weyn ee Soomaaliya Ku Yeelanayso.

Arinta Ugu Horaysa Ayaa Ah Inuu dagaalkani Burburinayo Hamiga Raysal wasaaraha Itoobiya ee in la wanaajiyo Xiriirka Soomaaliya,Iyadoo laga Fogaanayo In la kala Qeybiyo Maamulada Faderalka Soomaaliya,waxaana Jirey isbahaysi Muhim u Ahaa Isbadal Geeska Afrika oo Xataa Aysan Ku Qanac sanayn dalal kale ee Afrika Inay Awood kasoo Socoto .

Isbahaysiga Ayaa la Sheegay Inay Keenayeen Awood Inay Hesho Geeska Afrika Iyo Isdhex Gal Wax wada Qeybsi Dhinacyo badan ka Kooban.

Arinta kale ee Durba Laga Digayo Ayaa Ah Inay Ciidanka Itoobiya Kabaxayeen Soomaaliya tan Iyo markii uu dagaalka Bilowday,Ciidanka Itoobiya Ayaa la Sheegaa Inay yahiin Ciidanka AMISOM Kuwa Ugu wax tarka Badan dagaalka Lagula Jiro Dagaalamayaasha Soomaaliya,Waxayna Ciidanka Itoobiya Joogeen Gobolada Ugu Muhimsan dagaalkaasi.

Intaasi Waxaa Siidheer:Tigray-ga Ayaa Weeraraya Dalalka dariska ee Ay U Arkaan Inay la Jiraan Dowlada faderalka ee Itoobiya, Qiyaastii Ilaa 250,000 oo askari iyo maleeshiyo ayaa  Ayaa U dagaalamaya GobolkaTigray, sida laga soo xigtay Kooxda Xasaradaha Caalamiga. Kuwaas, waxaa jira ilaa 30,000-60,000 dagaalyahanno wax ku ool ah.

Kooxda TPLF ayaa sheegtay in nidaamkeeda difaaca cirka ay soo rideen diyaarad ay leeyihiin ciidanka federaalka, hadalkaas oo ay iska fogeeyeen militariga

Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in aysan wali garanayn gantaalaha ay kooxda TPLF u adeegsatay weeraradii Asmara iyo bartilmaameedyada gudaha Ethiopia laakiin Janes wuxuu sheegay in Tigreegu lahaa dhowr nidaam oo gantaalaha S-75 iyo S-125 ah.

Gudoomiyaha Golaha Guurtida Soomaliland Saleebaan Maxamud Aadan Ayaa ka Hadlay Colaada Itoobiya Iyo samaynta Soomaliland Ay Ku Leedahay,Wuxuuna Sheegay Inay tahay Colaad Gobolka oo Dhan Saamaynaysa.Isagoo Intaasi Ku daray Inay Yahiin Tigrey Gobol Awood leh hadana Urursan.

“Wax kale oo Aan tari karnaa Waa Yar tahay ee Illahay Iyagana haka qaboojiyo Colaada Anagana Sharkooda ha Naga nabad Galiyo Ayuu Yiri”Gudoomiyaha Golaha Guurtida Soomaliland Saleebaan Maxamud Aadan”.

Gudoomiyaha Golaha Guurtida Soomaliland Saleebaan Maxamud Aadan Ayaa Sheegay Colaadani inay Masar Qeyb ku leedahay waxa Wadana Ana La Garanayn,Wuxuuna Cadeeyey”Colaada mandaqada oo Dhan Wey samaynaysaa Wax Debada ka wadana garayn Mayno,Masar Ayaa Halkaasi Suudaan Kusoo Dhuumanaysa oo Dhaamkii Ayeyba U Dhaaranayaan Ayaa Lagu Yiri”Gudoomiyaha Golaha Guurtida Soomaliland Saleebaan Maxamud Aadan.’

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*