DAAWO:Xasan Cali Khayre oo Cabdiraxman cabdishakuur Raali Galin Siiyey Weerarkii Xukumadiisa Ku Qaaday Gurigiisa

Siyaasiyiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka hadlay kulan uu xalay gurigiisa kula qaatay ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, kaasi oo uu raali-gelin ku siiyey.

Kheyre, oo hadda ah musharax madaxweyne ayaa raali-gelin buuxda ka siiyey siyaasigii Cabdiraxmaan Cabdishakuur weerarkii ay ciidamo ka tirsan dowladda ku qaadeen gurigiisa, intii uu Kheyre madax ka ahaa xukuumadda.

“Waxaan caawa hoygiisa ku soo booqday hogaamiyaha xisbiga wadajir, ahna musharrax madaxwayne ee jamhuuriyada federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxman cabdishakuur Warsame, halkaas oo aan si walaaltinnimo ku dheehantahay isugu soo qalbi xaarannay” ayuu yiri Kheyre.

Waxaa uu intaasi kusii daray” Waxaanan ka raalli galiyay dhibkii 17kii December 2017 isaga iyo ilaaladiisa kasoo gaaray dhacdadii ka dhacday hoygiisa.

 

Cabdiraxmaan Cabdshakuur ayaa ciidamada dowladda ku eedeeyay inay halkaas ka geysteen dil, dhac iyo boob, waxaase xalay markii ay kulmeen ay qeyb ka ahayd wixii laga wada hadlay, maadaama Xassan Cali Kheyre uu xilligaas ahaa mas’uul katirsan dowladda hadda jirta.

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*