Gudoomiyaha Aqalka Sare oo Qaatay Go’aan Culus oo Ka Dhan Ah Madaxweyne Farmaajo Gobolada Waqooyi.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare BFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta oo Sabti ah magacaabay Xubnaha Guddiga hirgelinta Doorashada Dadban 20/21 ee Gobollada Waqooyi (Somaliland).

Guddiga uu magacaabay Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa ka kooban 8-Xubnood oo ka shaqeynaya Doorashada Soomaaliya 20/21 qaybta Gobollada Waqooyi ee Somaliland si waafaqsan heshiiska madaxda heer federaal & heer Dowlad Goboleed.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi Guddoomiyaha Aqalka sare ayaa sheegay in la baalmaray habraaca heshiiska loo gudbiyay Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya oo wadajir u ansixiyay 26-kii September 2020.

Magacyada xubnaha Guddiga ayaa kala ah:

1-Maxamed Cali Cabdullaahi.

2-Fahad Mubaarak Xaaji Yuusuf.

3-Aadan Faarax Ibraahim.

4-Saynab Abiib Aqli.

5-Naciima Cali Obsiiye.

6-Khaalid Ibraahim Axmed.

7-Ayuub Yuusuf Saalax.

8-Ismaaciil Xasan Cabdullaahi.

 

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*