Khayre oo Jahwareer Siyaasad Ka Qabsatay Ku biirada Xisbiyada Mucaaradka,Takoor Siyaasadna Haysato

Hoggaamiyeyaasha xisbiyada Mucaaradka oo ay kujiraan madaxweyneyaal hore, Wasiiro, iyo Diblomaasiyiin ayaa si wadajir ah u diiday in Xasan Cali Kheyre xubin kanoqdo Midowga musharixiinta madaxweynaha 2021 kana kaqaybgalo kulanka musharixiinta madaxtinimo oo maanta ka furmaya magaalada Muqdisho, ujeeddada diidmada kulankaas waxa lagu sheegay eedo ay hoggaamiyeyaasha mucaaradka qaarkood katirsanayaan Kheyre, eedahaas ayaa dhacay intii Xasan Kheyre hayey xilka Wasiirka Koowaad.

Eedaha loo haysto  Kheyre waxa ay xiriir la leeyihiin dembiyo waaweyn oo ay gashay xukuumaddii uu madaxda ka ahaa ee Baarlamaanka kala noqday Kalsoonida, eedahaas waxaa kamid ah

  1. kutagrifalka awoodda dowladda oo ah eed guud
  2. Weerarkii lagu qaaday guriga hoggaamiyaha xisbiga Wadajir
  3. Xayiraaddii xukuumaddiisu saartay  diyaarado ay la socdeen madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya sida Hasan Sheekh Maxamuud & Sheekh Shariif Sheex Axmed
  4. Dhiibiddi Cabdikariin Sheekh Muuse (Qalbidhagax)
  5. Bayaankii ay xukuumaddii Kheyre ee ONLF u aqoonsaday in ay tahayyül urur argagixiso
  6. Cunaqabateyntii xukuumaddu saartay Jubbaland
  7. Cunaqabateyntii ganacsiga iyo siyaasiyiinta mucaaradka qaarkood

Siyaasiyiin ay isku-hayb yihiin Ra’isalwasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa kulan gaar ah la yeeshay Xasan Sheikh Maxamuud madaxweynihii hore ee Soomaaliya, waxa ay ka codsadeen in aan hoggaamiyeyaasha mucaaradku si gaar ah u collaadin Kheyre hayeeshee Xasan Sheekh waa diiday codsiga ku aaddan in mucaaradku aqbalo xubinimada Kheyre.

Kaddibna waxy ay la kulmeen madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed guddoomiyaha madashada xisbiyada Qaran iyaga oo kadalbaday in uu ka ergeeyo culayska siyaasadeed ee hayata Kheyre!

Sheekh Shariif ayaa dood heer kaddib waxa uu ka aqbalay siyaasiyiinta ka nabad-dooniyey Kheyre in uu intii karaankiisa ah ka ergeeyo sidii Kheyre ugu biiri lahaa mucaaradka, waxa uu ka codsaday madaxweynihii hore ee Dalka Xasan Sheekh iyo hoggaamiyaha xisbiga Wadajir in ay la qaataan soo hoyashada iyo ka garaabidda Xasan Cali Kheyre ka sameeyey wixii eedo ah ee dhacay intii uu xilka hayey.

Sida ay Mustaqbal u xaqiijiyeen xubno kaqaybgalay kulanku Xasan Sheekh oo horay u diiday in mucaaradku wax kudarsado Kheyre ayaa qayb ahaan aqbalay soo jeedinta Sheekh Shariif ee ah in hogaamiyeyaasha mucaaradku aqbalaan xubinimada Xasan Cali Kheyre

hayeeshee Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa dalbaday in Kheyre si rasmi ah uga bixiyo raalligelin kana garaabo dhibkii kadhashay weerarkii lagu qaaday guriga hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Decembeer-2017!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*