Puntland oo sanadkani Doorashada Soomaaliya Saamayn Ku Lahayn

Loolanka Doorashadda Soomaaliya oo Siweyn Isku Soo tarayaan Musharaxinta U taagan Inay fadhistaan Villa Soomaaliya,Waxay Sanadkani iskugu Soo Caano Shubatay Siyaasinta Muqdisho oo Inta Ugu badan Musharaxin Ah.

Marka laga Tago Madaxweynaha Wakhtiga Ka Dhamaanayo,Dhamaan Inta kale waxay u Muuqdaan inay yahiin Muqdisho oo isku Bahaystay Qaabkii  Villa Soomaaliya Ugu Guulaysan Lahaayeen,mana Jiro wax Intaasi Dheer oo ku Midaysan yahiin Dhamaan Musharaxinta Muuqanaysa.

Puntland Waa Maamul Weyn oo Doorashada ka Dhex Muuqan Jirey,Ilaa Hada sanadkani Puntland Waxay u Egtahay Inay Doorashada ka Hadhay.

lama xaqiijin hadii Puntland Doonayso Inay tageerto Madaxweyne Farmaajo,Inkasta oo uu Jirey Khilaaf Weyn oo Soo Jiitamey Balse Ugu Danbeyntii isku Fahmeen Madaxda Dowladda Faderalka ee hada Haysa Qaabka Doorashada.

Puntland Waxay Ahayd Maamulada Ugu hamiga Badan inay Villa Soomaaliya Geeyaan Madaxweyne Ay isfahmi Karaan.

Inkasta oo Madaxda Talada haysa Puntland La Sheegayo Inay U janjeedhaan Xisbiyada Mucaaradka,hadana dadka Reer Puntland waxay u Arkaan Inay yahiin Kuwo Dhamaan dagaal Lasoo galay Puntland.

Isagoo Ahaa Ninka Ugu dagaalka Adag xasan cali Khayre oo Ah Kii Ugu Danbeeyey Musharaxinta Muqdisho kasoo Jeeda.

Yeelkeede Tani waxaa dad Badan oo Khubaro U Arkaan Inay Muujinayso Inay Puntland Noqotay fadhiis Hoos Uga Dhacaysa Maqaamkeeda,Iyadoo iska tageeraysa Mucaarad Iyaguba Ku Midaysan oo kaliya Kuriga uu Fadhiyo Farmaajo.

 

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

2 Comments

  1. Waxaan aad ula yaabaa dhaqanka soomaalida. Doorashadii ugu dambaysay waxaa tartamay dad badan oo Puntland kasoo jeeda waxaana calaacalku ahaa WAR MAXAMUUD SALEEBAAN UMBAA MEELKASTA CARARAYA EE NIMANKU KURSI JECELAA!! KKKK
    Maanta dooddu waa Puntland ma tartamayso oo waa fadhiid!! Marka Maryoolay sina looga baxsan maayo!!!
    Anigu waxaan qabaa bal raggii la celcelinayay ee Maxamuud saleebaan maseerkoodu madax maray inay Maanta tartamaan ileen iyaguba waa reer Puntland e.
    Waa laga taalay tartanka wax marka horeba la ogyahay natiijadiisa. Sannadkaan beeshaa aad sheegtay baa iska leh.
    Soomaalina inta saa laysku bedbeddelyo oo 4.5 qadhmuun lagu dhagganyahy, meel la gaadhi maayo.
    Marka reer Puntland waa inay xoogga saaraan horumarinta dhulkooda iyo inay wax qabsadaan, dabcan Ra’iisal wasaaraha isna beel baa sugaysa waana dhici kartaa inuu Puntland noqdo. Laakiin fookasku waa inaan xamar wanaag laga sugin oo dhulkaas iyo dadkaas danahooda laga shaqeeyo lana dhamaystiro mashaariicda waaweyn sida dekedda garacad, jidka ceeldaahir, Jidka Garowe iyo Gaalkacyo, iyo dekkedda Boosaaso.
    Riwaayadda xamar lugta umbaa lagula jiraa ee wax weyn looma arko

Your email address will not be published.


*