Sida Wasiir U Ekayaasha Dhulbahante Hargeysa Ku Joogaan,Yaasin Faratoon oo Ka Xanaaqay Bahdilaad Muuse Biixi Cabdi Ku Sameeyey.

Tusaalahani Waa Mid Ka Turjumaya Inaysan wasiirada Dhulbahante ee Hargeysa Jooga U Ahayn wasiir Buuxa,xataa hadii Ay yahiin Magac wasiir,waxay U Dhigmaan Wasiir U Yaal Dhanka Magaca uun lagu Hafray,Balse waxaa Dusha Ma Maamula Wasiir Xigeenka Beesha Dhexe ee Soomaliland.

Wasiirka Arimaha Debada Soomaliland Yasiin faratoon Ayaa La Kulmay Dhowr Arin oo kaga xanaajiyey Isagoo Loo Arko nin Aqoon leh,Hadana Laguma Kalsoona Marka la Joogo Hargeysa Inay Daacad ka Yahiin Shaqada Raadinta Gooni isku Taaga Soomaliland,Waxaaba laga Yabaa In Loo Arko Inay U Ololaynayaan Soomaliweyn.

Arinta Xanaaqa Ku Abuurtay Yasiin faratoon Ayaa Ah,Kadib markii Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu Wasiirkiisa Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire u diray Dalka Koonfur Afrika.

Wasiir Sacad Cali Shire ayaa Toddobaadkan ku maqan Dalka Koonfur Afrika, ka dib markii uu ka ambo-baxay Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.
Illaa hadda si rasmiya looma oga ujeeddada uu Madaxweynuhu uu Wasiirka Maaliyadda ugu diray dalka Koonfur Afrika, balse waxa la saadaalinayaa inuu u diray hawl gaar ah.
Ma jiro xidhiidh la yaqaan oo ka dhexeeya Somaliland iyo Dawladda Koonfur Afrika, inkasta oo Safarkani ka mid noqon karo dedaallada Xukuumadda Madaxweyne Biixi wadday isla-markaana hore loogu galaa-baxayey dalalka Afrika qaarkood.

 

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

Aragtidaada Halkani Ka Dhiibo Waan Fasaxi Doonaa

Your email address will not be published.


*