
Maamulka Gobolka Bari ee Puntland Ayaa Sheegay inay wadaan tiro koobka Ugu danbeeyey ee samaynta Roobaabka dabayla wata oo Ka Da’aya Gobolka.
Xaafadaha Xeebta Xiga Boosaaso oo kunool yahiin dad Markii Horaba Kusoo barakacay Dhibaatada Koonfurta Soomaaliya,Waxaa guryahooda oo baco ka samaysna saameeyey Roobka.
waxaana Inta Badan Qoysaskaasi la Geeyey Meelo ka Baxsan xaafadaha ,Ilaa hada Dowlada Faderalka Gurmad kama Soo gaadhin.Balse Waxay Maamulka Gobolka Bari baaq u Direen Dowlada Faderalka Iyo maamulka sare ee Puntland.
Wali waxaa Jira cabsida Roobaabka oo wali Sii Da’aya,Iyadoo Xeebaha Puntland Siweyn Kumanaan Qoys Dhibaato uga Soo gaadhey.
Be the first to comment