1 Comment

  1. Mudane Erdogan Rabbi cimriga ha u dheereeyo oo caafimaadka ha u dhowro waayo waa halyeyga maanta caalamka Islaamka u soo hirtay oo ileyska u noqday. Dabcan, dagaalka alaa bina-aadamka ka dhexeeya waa mid salka ku haya xadaaradda iyo hiddaha ku hoos xardhan oo gundhigga u ah.

    Waxaa da dagaalkam ka mid ah hub la isu adeegsado, loollan maskaxeed oo aqoonta la isu adeegsanayo, iyo baratan hiddaha iyo dhaqanka ka kooban. khubarada reer Galbeedku waxaa ay halganka hiddaha iyo dhaqanka ku tilmaameen taagsiga dibcoon mise ‘soft power’.

    Musalsalkani halganka hiddaha iyo dhaqanka ayuu baabkiisa galayaa oo runtii aad ugu muhiimsan faafinta sumcadda Islaamka ee dunida. Waa wax loo baahnaa oo aynu aadna u soo dhoweynayno. Sidaas oo ay tahay libinta dhabta ahi waxaa weeye Turkiga oo hab dhaqaale caalamka Islaamka ku xoojiya oo kana dhisa.

    Waxaana ugu filan isaga oo maalgashi lixaad leh kusameeya dalalka muslimka ah ee min Yurubta Dhexe ilaa Aasiya iyo Afrika ba maalgashiga baahida xun u qaba oo kana qaniimeysan lahaa. Muslimiintu marka ay baahida ka baxaan oo iskufilnaansho taam ah gaaraan ayay cadowgoodu qummati u jabayaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*