XOG Ciidanka Faderalka Itoobiya oo Qabsaday Caasimada Tigrey Qeyb,Madaxda,TPLF Oo Baxsad Ku Dhow.

Maanta waxaa dhammaaday saddexii cishe ee dheeraad ahead ahaa fursad ahaanta loo siiyay madaxda ismaamulka Tigray in ay is dhiibaan, waxaana socda tallaabo lagu dhaqangelinayo go’aan Dowladda Federaalka Itoobiya ay qaadatay marka waqtigaas idlaado.

Saraakiisha Hoggaamineysa Ciidamada Itoobiya ayaa sheegay in ay hareereeyeen Magaalada Mekelle Caasimadda ismaamulka Tigray oo ah xuddunta shaqsiyaadka la doonaya in gacanta lagu soo dhigo.

Madaxda TPLF ayaa ku gacan seyrtay 72-saac ee loo qabtay in ay isu dhiibaan si loosoo afjaro dagaalka todobaadka saddexaad fodda la galay ee u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka Itoobiya & ismaamulka Tigray.

Magaalooyin muhiim ah oo kulaala Caasimadda Mekelle ayaa gacanta Xooggaga Tigray ka baxay, waa ay qirteen madaxda TPLF guuldaradaas militari ay kala kulmeen dagaalka ciidanka Federaalka ay ku wajahayaan.

Intkasta oo aan jirin Isgaarsiin & Internet-ka si xogta xaqiiqadeeda loo helo, balse Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa soo bandhigeysa Warbixinno la xiriira xogta dagaalka oo u badan guullo ay ka sheeganeysa.

Qaramada Midoobay ayaa xaqiijisay in dad horleh naftooda ay kala baxsadeen Deegaanka, kadib markii ay u dulqaadan waayeen hubka culus ee ku hoobanaya Deegaannadooda si aysan waxyeelo u gaarin.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa sheegay in si weyn uu uga walaacsan yahay xaaladda Gobolka Tigray oo isku badalay goob dagaal oo ay ku murqa-muujiyaan Ciidamada Federaalka iyo kuwa ismaamulka.

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*