XOG Maxaa Ka Jira In Xilka Qaadista wasiir Cawad Puntland Iyo Jubbaland Galaafteen Markii Ay Diideen TPLF In La Cambaareeyo.

Xogaha Kala Duwan ee Ku Saabsan Xilka Qaadista wasiirka Arimaha Debada Soomaaliya Ayaa Siweyn Baraha Bulshada Layskugu Khilaafsan yahay,Balse waxaa uun la Ogyahay Inay galaafatay Markii wasiirka Arimaha Debada Axmed Ciise Cawad uu Beeniyey Tageerada Dowlada Faderalka u Muujinayso Itoobiya.

Waxaa Jira Ilo Hoose oo Sheegaya Puntland iyo Jubbaland inay ka Danbeeyeen In Wasaarada Arimaha Debada ,Gar Ahaana wasiir cawad Ku Qasbeen Inaysan tageerin Dowladda Faderalka Soomaaliya.Taasi oo mucaaradka Badankooda Ay la qabaan Inaysan Ahayn In la tageero dagaalka Itoobiya.

Iyadoo Ay Uga Dhigeen Doodooda Rasmiga Ah Inay tahay In bartilmaameed kala Kulmi karto Soomaaliya  Tigray-ga Iyo TPLF,balse waxaa Intaasi Sii Dheer Puntland Iyo Jubbaland Ayaa Xiriir Weyn Horay Ugala Dhaxeeyey Maamulka Hore ee TPLF ee Itoobiya,waxaana Tan Iyo markii Abey Axmed Raysal wasaaraha Noqday uu Hoos u Dhigay Xiriirkaasi.

Maamulka Abey Axmed Ayaana u lamacaamilin Sida Maamulada Ka horeeyey ee Itoobiya u Maamuusi Jireen Jubbaland Iyo Puntland.

Dhanka kale Dowlada Faderalka Ayaa Si Ana Loogu Qaadan Inay Xilka Qaadista Saamyn ku Leedahay Arinta Qoraalka waxay Safiir Ana La Cadeyn U Magacowday wasiirka Arimaha Debada Axmed Ciise Cawad .

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Warbaahinta u sheegay in sababta qoraalka looga laabtay ay tahay dalab ka yimid xukuumadda Ethiopia, oo lasoo hadashay xukuumadda Soomaaliya, taasi oo dalbatay qoraal kasii adag midka la tiray, oo dad badan la yaabeen sida Soomaaliya u taageertay dagaal ka dhex socda dal kale gudihiisa.

Inkasta oo Soomaaliya ay qoraalka si cad ugu sheegtay inay la safan tahay xukuumadda Abiy Ahmed, haddana Abiy ayaa la sheegay inuu kasoo horjeestay qeyb qoraalka ka mid ah oo ku baaqaya in xiisadda wada-hadal lagu dhameeyo, wuxuuna u arkay qoraal dabacsan.

Abiy ayaa la sheegay inuu doonayo taageero buuxda, oo aan la socon wax baaq wada-hadal ama nabad ah, waxaana la filayaa in dowladda Soomaaliya ay soo saarto qoraal kasii adag midka ay tirtay, taasi oo ku tuseysa heerka awoodda uu Abiy uu ku leeyahay dalkeenna.

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

1 Comment

  1. Awalba Xamar dowladi kama jirin ee waxaa xalane lagu ilaaliyaa nin aan xeradaas wax dhaafsisan ka talinin. Farmaajo waa nin si xun uga arradan siyaasadda dhabta ah iyo fiiradheerida iyo fariidnimada ay ku saleysantahay. Waxaa uu ku soo baxay ahbal isku darsaday macangagnimo iyo maangaabnimo. Isaga oo uu muddo-xileedkiisu gunaanad marayo ayuu u dhaqmayaa sida nin wax kala shaandheyn kara ee aad mooddo inuu dowlad meesha ku hayo.

    Waa qalad diblumaasiyadeed oo istraatiji ah inay Soomaaliya la kala safato dowlad dal kale katalisa iyo mucaarad ay is-hayaan. Marka ay dowladdaasu tahay mid Itoobiyaan ahna taxaddar dheeri ah ayaa mar kasta Soomaaliya ku waajibsan inay ka gasho faragalinta shu’uumaheeda hoose maadaama ay Soomaaliya qudheedu weli tahay qaran qabyo ah iyo dal aan weli lugahiisa qummaati iskugu taagin. Farmaajo oo si ba’an ugu guuldarreystay inuu qarankiisa dib u taago kuma yaallo af uu dowlado kale arrimahooda kaga hadlo iyo xaqaas toona.

    Tiisa daryeelaa tukale ku darsada. Puntland iyo Jubbaland boqolkiiba-boqol ayay ku saxsanyihiin mowqifka ay kutaliyeen inay Soomaaliya iskataagto colaadda ka dhexeysa Abiy Ahmed iyo qowmiyadda Tigrayga. Waxaa ay Soomaalidu danta istraatijiga ahi ugu jirtaa in aanay Itoobiyaanku kala adkaanin ee ay dhexdooda awoodahooda qowmiyadeed isku jabaan oo ku kala dhantaalmaan. Halista ugu xumi waxaa ay ku jirtaa in guul uu Abiy ka gaaray Tigrayga ay isu beddesho Amxaaro oo inta ay soo labakacleysay isaga inqilaab ku sameysay oo talada Itoobiya markale gacanta ku dhigtay.

    Puntland iyo Jubbaland halistan ayaa u muuqata ay Xamar iyo Farmaajo ka dhoohanyihiin.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*