XOG Turkiga Iyo Sucuudiga oo Yeeshay Heshiis Dhabar Jabku Ah Imaraadka Siyaasada Bariga Dhexe.

Boqorka Sacuudi Carabiya Boqor Salmaan ayaa wacay Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan si uu isugu dubbarido dadaalada ka hor shirka soo socda ee G20 oo dhici doona 21 iyo 22 Nov., sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Agaasinka Isgaarsiinta Madaxweynaha Turkiga goor dambe oo jimcihii ah.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in hogaamiyaasha ay ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo qiimeynta mowduucyada looga hadli doono shir madaxeedka soo socda.

Madaxweyne Erdogan iyo Boqor Salmaan waxay isla garteen in la furo marinnada wada hadalka si loo wanaajiyo xiriirka labada dhinac loona xalliyo dhibaatooyinka, bayaanka ayaa lagu xusay.

Sacuudi Carabiya waxay la wareegtay madaxtinimada G20 bishii Diseembar 2019 waxayna shir gudoomin doontaa shir madaxeedka hoggaamiyeyaasha Nofeembar 21 iyo 22.

Shirka waxaa la filayaa inay ka soo qeyb galaan dalalka Jarmalka, Mareykanka, Turkiga, Arjantiin, Australia, Brazil, Shiinaha, Indonesia, Faransiiska, Koonfur Afrika, Kuuriyada Koofureed, Hindiya, Ingiriiska, Talyaaniga, Japan, Canada, Mexico, Russia, Saudi Arabia iyo Komishanka Yurub.

Sida ku xusan bayaannada rasmiga ah, shir madaxeedka laba-maalmood ee qorshaysan waxaa loo qorsheeyay in wax looga qabto hagaajinta dhaqaalaha adduunka iyo suuqyada, iyo sidoo kale xoojinta ganacsiga caalamiga ah, oo ay weheliso siyaabaha looga hortegi karo aafada suurtagalka ah ee mustaqbalka iyo qaybinta COVID- 19 tallaal, sugnaanta cuntada, maaraynta kheyraadka biyaha, isbedelka cimilada iyo la dagaalanka musuqmaasuqa.

Wada Hadalka Ugu Horeeyey ee Turkiga Iyo Sucuudiga Ayaa Yimi Xili Isbadalo Weyn ka Jiraan Bariga Dhexe Markii Dalalka Wadaga Sucuudiga Usii Jeesteen Xiriirka Israel balse Aysan Ilaa Hada Sucuudiga  Cadeyn Inay Xiriir rasmi la Samayso dalka Israel.

Wicitaanka Erdogan Iyo Boqor Salmaan Waxaa Turkiga uu ku Amaanay Sucuudiga Inay Wali Ilaalinayso Qadiyada Falastiin taasi oo Sheegeen In Loo Bahan yahay Mowquf Midaysan Inay ka Yeeshaan Labada Dhinac.

Jariirada Turkiga ee Daily Sabah Ayaa Sheegtay Inuu yahay wada Hadalkani Mid Muhim Ah,Xili Dhawaan Sucuudiga Ay Sheegaysey Inay Joojinayso Badeecada Turkiga.

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*