Jubbaland ma Gobolka Faderalka Soomaaliya ee Tigrey-ga Soomaaliya U Muuqdaa?

Itoobiya Iyo Soomaaliya waxay Leeyahiin wax yaabo badan oo Ay Uga Duwan yahiin Dalalka kale ee Geeska Afrika,Siyaasad Ahaan waxay Arkeen isbadalo Isdabajooga 30 ee ugu Danbeeyey,waxay wadaagaan Halgan isku Dhacyo Kula Duwan,Si gaar Gobolka Oramada Ayaa Soomaaliya La wadaaga Dhaqanka Soo jireenka Wax Garadka,Gumaystayaashi oo Itoobiya Uga Sad Bursiiyey Soomaaliya.

waxay Arkeen isku Dhac dagaal lagu Tilmaamo Mid Ka Mid Ah dagaalada Aduunka Ugu xoogan ee Soomaaliya iyo Itoobiya wada galeen oo Aduunka Quwadaha Markaasi Jirey Si dad Ban iyo Sitoos Uga wada Qeybgalayeen,Waxay Wadaagaan Soomaaliya Afganbiyada Taliyaasha Mudada Soo Kuxumayey Soomaaliya iyo Itoobiya Labadaba.

Siyaasinta Soomaalida Siyaasadooda Lagama Waayo Inuu Kusoo Galo Siyaasada Itoobiya Ayaan dagaal la Galaya sanad kadibna Looga Yeedho Adis Sababa,wadaniyada Soomaalida waxay Noqotay Itoobiya Ayaan Necbahay oo Afka Ah,Balse Ana Dhab Noqon lamana Oga Inay tahay Mid Lagu qasbayey Siyaasinta Soomalida Iyo Inay Iyagu Cabsi gaarka qabeen Itoobiya.

Siyaasinta Soomalida ee faderal Doonka waxay hadalkooda Tusaale Uga Dhigan jireen Inay Itoobiya oo Qoomiyad Ahaan Kuwa Ugu Tirada Badan Afrika Ah,Ay Ku nabad Galeen faderalisimka,Inkasta oo xaqiiqda tahay Inay Itoobiya faderalkeeda aad Uga Duwanaa Midka Soomaalida Ay Doonayeen Madama Soomaaliya Aysan Lahayn Qoomiyado kala Duwan,Taasi Badalkeedana Tahay hal Qoomiyad.

Adis sababa waxay Ahayd Halka Ugu Horaysa oo Hogaamiyaha maamul Goboleedkasta uu u Safro inta uusan aadin Muqdisho oo laga Xukumo.

Yeelkeede waxay Soomaaliya Ka Nabad Heshay farogalinta Itoobiya Inta uu hogaaminayey Raysal Wasaaraha Cusub ee Abey Axmed,Wuxuuna u Arkay Inay Tahay Mid isku Xidhan nabada Soomaaliya iyo nabada Itoobiya,Mana Helayso Nabad Itoobiya Inta Ay Ka Qeyb Qaadanayso Burburka iyo kala Fur Furka Siyaasada Soomaaliya.

Laga Yaabaa Inuu Raysal wasaaraha Cusub ee Itoobiya Doortay inuu ka faa’idaysto dalkani Soomaaliya ee Khayraadka Ilahay Ugu deeqay hadana ka Qatan,mama Xiligaasi isku Muujinayey Hogaamiye karti badan ilaa uu helay Abaal marinta nabada.

Maanta Si La Mid Ah Sidii Hore ee Siyaasinta Soomaalida ee Midnimada diidani Ku faani jireen fadarealka Itoobiya,waxay Muujinayaan Inay Giraantii Dhinac kale Isku Rogtey,madama Itoobiya Hada la Dagaalamayso Mid Ka Mid Ah Kii Ugu Awooda Badnaa faderalisimka ee Tigrey-ga,Sidaasi Darteeda Kuwa u Sacamatumayey Faderalka Soomaaliya waxay Muujinayaan Wal walka Inuu Abey Axmed Tirtirayo faderalka.

Taasi waxay Tixraac uga Dhigayaan Kulamadii Madaxda Soomaaliya,Itoobiya iyo Ereteriya,waxayna leeyahiin Waxay Doonayaan Inay Soomaaliya Si la Mid Ah Itoobiya Dowlada faderalka duulaan Ku tahay Maamul Goboleedyada Qaarkooda Sida Jubbaland,Iyadoo Maamuladaasi Iyagu Ahaayeen Kuwa Farmaajo Hortii Itoobiya iyo Adis Sababa talada ka Qaadan Jirey,Tusaalahu Waa Axmed Madoobe oo Siyaasada ku yimi dagaal Xoogan Xiligii xasan Sheekh Ilaa Itoobiya ku qasabtay Inay Jubbaland iyo Madaxweyne Axmed Madoobe Faraha kala Baxdo.

Intaasi waxaa siidheer Iyadoona Layska Indho Tirayn in Kuwaasi Hore itoobiya ka Amar qaadanayeen Soomaaliya laga Yabaa xataa Kuwani danbe Inay la Mid Yahiin waxase Aynu Sheegi karnaa Itoobiya Inay Joojisey Farogalinta Soomaaliya.

Jubaland maanta oo Gobol Soomaaliya Ah balse isku muujinaya Inuu yahay  Mid La kulmaya cadaadis kaga Imaanaya Dowlada Faderalka Soomaaliya ,Sida Tigrey Ay cadaadis Ugaga Imaaday Abey Axmed.

Sikasta oo Ay tahay Ilaa hada Kamaysan jawaabin Maamulada iyo Siyaasinta Itoobiya Hore tageersanaa Inay hada dareemayaan Dhibaatada Faderalka uu Leeyahay,mar hadii itoobiya Ay Ku Dayan Jireen Aysan ku Aflaxin.

 

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*