XOGTA Turkiga oo Faransiiska Ka Weeraray Meeshuu ugu Awood Xumaa Macron

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa jimcihii sheegay inuu rajeynayo in France ay dhawaan ka takhalusi doonto Madaxweyne Emmanuel Macron, Taasi oo uu Ugala Jeedo in Xilka Laga Qaado Ama aana Dib loo Dooran,isaga oo ku tilmaamay inuu yahay Macroon culeys saaran France oo u adkeysanayay waqtiyo qatar ah.

“Macron wuxuu culeys ku yahay Faransiiska. Macron iyo Faransiiska waxay marayaan xilli aad khatar u ah runtii. Rajadaydu waxay tahay in Faransiisku ka takhaluso dhibaatada Macron sida ugu dhakhsaha badan, ”Erdogan ayaa wariyeyaasha ugu sheegay Istanbul ka dib salaaddii Jimcaha.

Erdogan ayaa hada si gaar ah farta ugu fiiqay Macron dhaleeceynta wuxuuna soo jeediyay in France ay u wanaagsanaan doonto hogaamiye cusub oo mas’uulka ka ah si looga hortago in xiisadaha u dhexeeya labada qaran ay sii fogaadaan

Madaxweynaha Turkiga Ayaa Sheegay In Kacdoonka Faransiiska isku Rogi Karaan Kuwo Guduudan oo Dhibaato Weyn Ku Noqda faransiiska,hadii Ana Laga Takhalusin Siyaasada Macron ee Hogaamintiisa Faransiiska.

Faransiiska Ayaa Dhowr Jeer ka cawday Hadalada Madaxweynaha Turkiga ee Arimaha Gudaha,Madama Xiligani Ay Shaki badan Ka Jiraan dib u Doorashada Macroon,Sidaasi darteeda Meesha Ugu Jilicsan ee Erdogan Macron Hada qabanayaa waa halka uu Ugu Nugul yahay.

Turkiga iyo Faransiiska ayaa ku dhex jira khilaafyo isdaba joog ah, laga soo bilaabo xiisadaha bariga Mediterranean,Siiriya illaa Liibya iyo gobolka Nagorno-Karabakh.

Khilaafku wuxuu sare u kacay heerar cusub bilihii la soo dhaafay iyadoo Faransiisku u dhaqaaqay Weerar Sharafta islaamka uu Ku Qaadayiyo  Islaamka ka dib dhowr weerar oo lagu qaaday ciidda Faransiiska. Erdogan ayaa si isdaba joog ah ugu soo jeediyay in Macron uu helo “baaritaan maskaxeed” waxa uuna ku booriyay dadka Turkiga in ay qaadacaan wax soo saarka Faransiiska

Jimcihii Ergodan wuxuu yiri Faransiiska waa inay ka takhalusaan Macron “haddii kale ma awoodi doonaan inay ka takhalusaan Kacdoonka  jaallaha ah,” isagoo ula jeeda dhaqdhaqaaqa dibad-baxa ee ka billowday Faransiiska 2018.

Bishii la soo dhaafay, Golaha Guurtida ee Faransiisku waxay meel mariyeen qaraar aan waajib ku ahayn oo ugu baaqaya Faransiiska inay u aqoonsadaan Nagorno-Karabakh dal madax-bannaan

Erdogan wuxuu sheegay in Faransiisku ku waayey “kaalintii dhexdhexaadinta” ee khilaafka Karabakh.

“Sabab? Adigu waxaad tahay dhexdhexaadiye Daacad Ahayn oo Eex Ku Dhisan, waxaad qaraar ku gaadhay baarlamaankaaga … oo ku saabsan gobol la doonayo inaad dhexdhexaadiye ka noqoto,Inaad u Kala eexato” ayuu yidhi.Erdogan

Sidoo kale Erdogan wuxuu ku celceliyay hadalo ka soo yeeray Madaxweynaha Azerbaijan Ilham Aliyev oo ahaa in France ay ogolaato magaaladeeda koonfureed ee Marseille Madax Banaani, hadii ay aad u daneyneyso Inay kala Goyso Azerbaijan

Waxaana kula talinayaa isla talada: haddii ay aad u doonayaan, waa inay Marseille siiyaan reer Armenia, ”ayuu yiri Erdogan. “Waa wax fudud sida tan.”

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*