Xukuumadda Soomaaliya oo kalasaari la’ maareynta xiriirka DG Jubbaland & La macaamilka Kenya!

Shirka caadiga ah ee golaha Wasiirada ayaa baaqday Khamiis 3-Dec-2020 kaddib markii Wasiirada lagu wargeliyey in kulanku u baaqday arrimo la xiriira Wada-tashiga Ra’isalwasaaraha iyo madaxweynaha, sida ay Mustaqbal u sheegeen ilo ku dhow xafiiska Ra’isalwasaaraha qorshaha kulanka Khamiistii ayaa ahaa in dood adag la geliyo arrinta Dowlad-goboledka Jubbaland oo xukuumaddu 02-December sheegtay in Dowladda Kenya ay cadaadis ku hayso madaxda DG Jubbalan iyada oo Warkaas ay Musharixiinta 2021 ku sheegeen mid ay dowladda Soomaaliya ka leedahay dano siyaasadeed.

Saraakiil dog goal ah oo kujira xukuumadda ayaa u sheegay Mustaqbal in Shir aan caadi  ahayn oo Maanta oo Sabti ah yeelan lahayd xukuumadda u baaqday talo u dhexeysa Ra’isalwasaare Roble & Madaxweyne Farmaajo, arrimaha ugu waaweyn ee sababay dib u dhaca iyo qabsoomid la’aanta kulanka aaaa intooda badan waxa ay la xiriiraan go’aanada iyo tallaabada xigta ee xukuumadda ka qaadan karto xiriirka diblomaasiyadeed ee kala dhexeeya Soomaaliya waddanka deriska ah ee Kenya oo hoos loo dhigay iyo habka loo wajahayo arrinta Jubbaland oo madaxweyeb Farmaajo u arko laf dhuungashay.

U yeerashada Danjira Soomaaliya ee Kenya & eryidda Danjiraha Kenya ee Soomaaliya

Xukuumadda Soomaaliya ayaa horraantii ugu yeertay wadatashi safiirkeeda Nairobi Maxamuud Axmed Nuur [Tarsan], iyada oo ku amartay in uu Muqdisho ka tago danjiraha Kenya Lucas Tumbo.

Go’aankan ayay u sabaabaysay dowladda faragelin ay sheegtay in ay Kenya ku hayso doorashooyinka dalka, iyo Jubbaland oo sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda in Nairobi ku qasbayso Axmed Madoobe inuu ka baxo heshiiska doorashadda.

Kenya ayaa ku tilmaantay eedeymaha Villa Soomaaliya kuwa aan waxba ka jirin, oo MW Farmaajo ka dhiganayo olole doorasho,  Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya ayaa tilmaantay in aan lala  sameynin wax xiriir ah oo ku aadan eryida Safiirkeeda.

Dowladda Soomaaliya ayaa sanad iyo barkii la soo dhaafay qaadeysay tallaabo ka dhan ah Maamulka Jubbaland, iyadoo horay u qaadacday dib u doorashadii Axmed Madoobe, balse markii dambe cadaadis uga yimid Beesha Caalamka aqoonsatay.

Sidoo kale Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa xariirkooda gaarey meeshii ugu hooseysay markii uu xafiiska yimid madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxayna labada dalka isku hayaan arrimo xasaasi ah, oo ay kamid yahay dooda badda, oo hadda la filayo in ay Maxkamadda ICJ go’aan ka gaarto.

Axmed Madoobe Hoggaamiyaha Jubbaland oo garaawsan xiriirka liita ee kala dhexeeya Xukumadda Muqdisho ayaa sheegay in uusan soo dirayn guddiga doorashada iyo xalinta khilaafaadka inta xal laga gaarayo arinta gobolka Gado oo ah xudun khilaafka Kismaayo iyo Muqdisho.

 

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*