Axmed Madoobe oo fariin Nabadeed u Diray Dowladda Faderalka iyo In Khilaafka La Xaliyo

Madaxweynaha Dowlad Goboledka Jubaland  Axmed Maxamed Islaam oo ka qeyb galay Munaasabada Sanad guurada labaad ee Doorashada Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in khilaafka ka taagan Arimaha Doorashooyinka ay sal u tahay arinta Gobolka Gedo muhiimna ay tahay in xal laga gaaro.

Waxaa uu ugu baaqay Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed cabdullaahi farmaajo  inuu la yimaado aragti Caafimaad qabta oo lagu xalin karo Xaalada halkaas ka jira.

Waxaa hadalkiisa uu intaas ku daray in sharafta Madaxweynaha iyo maqaamka uu joogo ay ka hoosayso in uu isku dhajiyo Gobolka Gedo iyadoo ay muhiim tahay in gacanta Jubbaland lagu soo celiyo Gobolkaas si ay uga dhaqan gasho Doorasho ay Masuul ka tahay Jubaland.

Ugu dambeyn Axmed Madoobe ayaa sheegay in Jubaland ay ka go’an tahay in doorashada dalka ay ku dhacdo jawi wanaagsan dhamaan dhinacyaduna ay tahay in wax walba lagu xaliyo wada hadal si Doorasho la isku raacsan yahay ay dalka uga dhacdo.

Khilaafka hareeyay doorashada Soomaaliya ayaa waxaa inta badan uu salka ku hayaa Arrimaha gobolka gedo iyo Guddiga doorashooyinka ay dowladda Magacaawday  oo ay kasoo horjeesteen Midowga Musharixiinta iyo inta badan Siyaasiyiinta Mucaaradka.

 

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

1 Comment

  1. Asc
    Axamed madoobe. waa nin aan kafakarin
    Futures somalia marka
    Waan oganahay he’s 70 years old hadana waxaa uu difacayaa
    Kenya
    Jubaland in aay yalato
    Kenya kolay taariikhda
    ku xusidonto
    Ee kadhaxbax somalia farmajo gacantiisaa allah kugu
    Cinqabi doonaa
    Why because taariikhda nabartay dadka khalafsan
    Mashay kudanbayn doonaan
    Waad dhibtay somalia
    Dadkuna waa aay ogyihiin

Your email address will not be published.


*