4 Comments

  1. Calaacal badanaa Arab. Hadba wax bay soo goconayaan..

    WAR DEE RAG NOQDA OO GACANTIINA KU CIIL BAXA.

    AMA AAMUSA OO HA ISKU DHAQDHAQAAJININA GEED HOOSTA IDIN KAGA RAKIBAN. YAAHU XIIDMAHA
    IDIN GOYNEE.

  2. Warsidahan iyo qaar kaleba waxaan ku arkaa guulwadeyaasha jabhadda SNM oo ay faruhu kaga muldhadeen qaylada ah in sanaduuq doorasho ayaa magaalo hebla mise tuulo hebla oo degaan Dhulbahante mise Warsangali ah lageeyay, iyo “diiwaangalintu way soconaysaa!” iyo hawraar lamid ah.

    Markaasaan, inta hoosta kaqoslo, waxaan qalbiga ka iraahdaa: “toloow yaa usheega in haddii xataa ay doorashada lahadalhayaa ayba degaanno Harti kadhacdo aanay waxba kabeddeli doonin waqiiciga ah inay gobollada “Somaliland” lagu sheego qaranka Jamhuuriyadda Soomaaliya katirsanyihiin?”

    Marka runta iyo xaqa loohadalo, Isaaqa weli kuriyoonaya inuu dhowaan ubilan doono qaran “Somaliland” lagu magacaabo waxaa si ba’an useegan in Dhulbahantuhu, Warsangaligu, Ciisuhu, Samaroonku, iyo Madhibaanku marna aqbali doonin inay dal Soomaaliyadooda kabaxsan shicib kanoqdaan haddii ay qorraxdu xataa maqrib kasoobaxayso. Markaa, doorasho gobolladan kadhacda waxay beelahani uhaystaan mid kamid ah tan guud ee Qaranka Soomaaliya kaqabsoomaysa. Wax intaas ka baxsan xisaabba ugumajiraan.

    Guulwadeyaashan meel kasta kuxiiqay in runtaas lagaga dhaadhiciyo aad ayay u adkaatay. Biixi iyo xulufadiisu way ogyihiin, laakiin iyagu danahooda jeebabkooda katarjumaya ayay doorashada kuwataanoo luflufka ay kahelayaan afkooda iskagama galaafanayaan. Siyaasi sirtiisa lama salgaaro.

  3. Duruufo badan oo waaqiciga dhabta ah salka kuhaya ayaa jira ee aan saamixi karin in dhowr gobol oo dalka Soomaaliya kamid ah kago’aan oo uu caalamku dal gooni ah u aqoonsado.

    Waxayse cabaqada uguweyni tahay in beelaha kale ee Isaaqa geyigan lawadaaga aanay habayaraatee wax kalsooni iyo iskuhalleyn ah Isaaqa kaqabin ay qaddiyad ay Isaaqu leeyihiin inta kugacansiiyaan aayahooda ugudhiibaan oo uguna aaminaan. Sababtuna waxay tahay inaanay Isaaqu beelahan intooda kale dhammaantood wax waji ah kasameysanin intii ay oodwadaagta ahaayeen, gaar ahaanna teer iyo markii ay Isaaqu hubkii qaranka gacanta kudhigeen sanadkii 1991kii.

    Isaaqu tacaddiyo iyo xadgudubyo waaweyn oo Xeer Soomaaliga, Shareecada Islaamka, iyo Shuruucda iyo Qawaaniinta Caalamiga kabaxsan ayay beelahan kale teer iyo 1991kii ugeysteen iyaga oo aan waxba ureebanin xaqiiqdii. Waxaana kasii daran ihaanada iyo bahdilaadda ay Isaaqu ugeysteen oo unageysanayaan. Dadka waxaa ucaado ah inaan la illoobin cid kugu tacaddiday oo godobbo aan yarayn kaagashay adigoon kamuteysanin.

    Waxaa Isaaqa kadaahsoon in naxdinta, saska, iyo argaggaxa ay Dowladdii Kacaanka kaqaadeen ay kuwo lamid ah beelahan kale Isaaqa kaqaadeen. Sida ay Isaaqu Dowlad Soomaaliya ah uga aaminbaxeen ayay beelahanina Isaaqa uga aaminbaxeen. Xaqiiqdan oo keli ah ayaa kufilan inaanay riyada “Somaliland” ah dhaboobi karin.

  4. Baroorta inoo bil sxb. Been aad isku maaweeliso waxa kuu dhaanta adoo runta ku dhinta. Somaliland wey socotay sxb. Doorkan Sool oo dhan ayay diiwaangelintii ka dhacday. Sanaag Bari waxa qeylo dhaan ka dhacaya waad aragtaan. Iyagoo leh, Afar Maalmood naguma filna. Goobaaha noo kordhiya.

    Saaxiib intaad calaacaleyso orod oo qol isku xidh oo ooy. kkkkkkkkkkkkk

Your email address will not be published.


*