DAAWO VIDEO:Faroole oo ka Hadlay Arimo badan Siyaasada Puntland iyo DFS.

Madaxweynihii hore ee Puntland Senator Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo dhowaan lagu daray guddiga ka soo tala bixinta qiima dhaca Shilling Soomaaliga ee deegaamada Puntland ayaa waxa uu faahfaahin ka bixiyey waxyaabaha keenay qiimaha dhaca shillingka.

Cabdiraxmaan Faroole ayaa sheegay in daabacaadda lacaga badan ee wata saxiixa dowladdii dhexe ee Soomaaliya iyo lacagta baabuurta looga soo sararayo deegaamo katirsan Koonfurta Soomaaliya ay qayb weyn ka qaateen qiima dhaca kuyimid lacagta Shilling Soomaaliga guud ahaa deegaamada Puntland.

Waxa uu sheegay in xalku uu yahay laba midkood in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay daabacdo lacag cusub ama ay shacabka kala wareegto lacagaha faraha badan ee suuqa yaal si loo yareeyo Shilling Soomaaliga baahidiisuna ay u badato.

DAAWO

 

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

Aragtidaada Halkani Ka Dhiibo Waan Fasaxi Doonaa

Your email address will not be published.


*