DAAWO VIDEO:Laascaanood Talaabo lagu farxo taarikhda Ugu Horeeyey oo Looga Dhawaaqay:Maxay tahay?

Beesha (Madhibaan) Gabooye oo ka mid ah beelaha waaweyn ee dega gobolka Sool Sanaag iyo Cayn Maroodi-jeex Togdheer Saaxil iyo Boorame ayaa Caawa kulan ay ku Taageerayaan Musharax golaha deegaanka degmada Laascaanood ku soo bandhigay Dr Axmed Xuseen Aadan musharax Xildhibaan ay u doorteen inuu u metelo booska metelaada Beelnimo ee Golaha deegaanka degmada Laascaanood oo aanay wax metelaad horey ugu lahayn.
“Reer Laascaanood Hiil ban idiin ka baahanahay ,Codkiina na siiya sidaanu idiin siiney mararkii hore ,Hadaad na siisaan codkiina micneheedu waa inaad wax noo ogoshihiin”
Musharax Xildhibaan goalah deegaanka Degmada Laascaanood Dr Axmed Xuseen Aadan ee beesha Gabooye.
Beeshan ayaa ugu baaqdey Beelaha gobolka Sool in ay codka siiyaan muaharaxooda maadaama ay kuwii hore iyagu ay dhisi jireen Xilehibaadanasa Beelaha kale.
Dr Axmed Xuseen Aadan waa aqoonyahan ka shaqeeya Cusbitaalka FAYO Hospital ee magaalada Laascaanood waxaa uu bartay Cilmiga Caafimaadka waxaa Beeshiisa iyo beelaha kale ee dega gobolka Sool ka codsadey in ay siiyaaan codkooda.
Beesha Gabooye ayaa ah Beesha ugu Taariikhda dheer Somalia sida ay qoree Taariikhyahanada waweyn ee Soomaaliyeed waana shaqan Aoo Jireen ah oo wanaagsan.
HALKANI KA DAAWO HOOSE

 

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

1 Comment

Your email address will not be published.


*