Xasan Sheekh,Sheekh Shariif iyo Xasan Cali Khayre oo Waayey Kalsoonida Deegaanadooda Doorashada.

Waxaa Shalay Dowladda Faderalka ku dhawaaqday inay doorashadda qabanayso iyadoona intaasi ka badan sugi doonin Mucaaradka iyo Maamulada Jubaland iyo Puntland.

Balse qorshaha Dowladda waxaa kasoo muuqday sadexda Maamul Goboleed ee Koonfurta  Soomaaliya,hirshabeelle ,Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

Xubnaha mucaaradka dhamaan intooda badani waxay kasoo jeedaan sadexdani Maamul deegaan ahaan midani oo uga dhigan inay waayeen kalsoonida deegaankooda,taasi waa sababta looga cabsi qabo inay qalalaase ku abuuraan madama ay ogyahiin kalsooni xumadaasi.

Sadexda Maamul ee koonfurta Soomaaliya waxay muujinayaan inay la safan yahiin Dowladda faderalka iyo Madaxweyne Farmaajo.

Galmudug oo inta badani kasoo jeedaan musharaxinta Madaxweynaha ee mucaaradka Waxaa muuqanaysa inuu Madaxweyne Qoor Qoor La Safan yahay Dowladda.

Waxaa kale oo uu sheegay in dowladda ay ku adkeysato arrimaha walaaca laga qabo ay tahay arrin aad iyo aad looga xumaado, ilaa iyo iminkana aanay wax jawaab ah ka helin madaxweyne Qoorqoor iyo Mahdi Guuleyd oo uu sheegay inay Garowe ku wada hadleen.

War qoraal ah oo goor sii horreysay ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu sheegay in ra’iisul wasaaraha uu kulan la qaatay Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish, ayna isla garteen oo ay go’aansadeen in la guda galo hirgelinta doorashooyinka, si aan wakhti kale looga lumin shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale shir jaraa’id oo ay si wadajir u qabteen ra’iisul wasaare Roble iyo madaxweynayaahsa maamul goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo gobolka Banaadir ayaa ra’isul wasaaraha xukuumadda waxaa uu sheegay in safarradii uu ku tegay qaar kamid ah gobolada dalka ay ahayd sidii loo xallin lahaa tabashooyinka ay qabaan qaar kamid ah maamul goboleedyada.

 

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

Aragtidaada Halkani Ka Dhiibo Waan Fasaxi Doonaa

Your email address will not be published.


*