XOG Xiriirka Taarikhda Soomaaliya iyo Turkiga 1979 Ilaa Maanta,Turkiga iyo Israel Dagaalka Soomaaliya

Websitka Aljazeera ee carabiga Ayaa Lagu daabacay Maqaal cadeynaya Turkiga samayntiisa soomaaliya Xiligani inta Ay Le’egtahay Iyo Qorshaha Ay Doonayso Inay Uga Hortagto Inay Doorashada Ka Dhacdo Qalalaase Siyaasadeed.

Turkiga Ayaa Madax xanuun ka qaaday Soomaaliya Awood la’aanta Dowladda Dhexe oo Ay  Curyaaminayaan Dhinacyada kale ee Siyaasada Soomaaliya,waxaana Lagu Xusay Warbixinta maanta inuu Diyaar u yahay Inuu wax Kasta ku Bixiyo Dowladda Dhexe Muruq iyo maal Laga Yabaa Inuu Diyaar u yahay Inuu Ka Dhigo Libyada Cusub.

Turkiga Wuxuu U Arkaa Inaan Dhamaan Dhinacyada Soomaalida la Qancin karin Sidaasi darteeda Ilaa la helo Dowlad Dhexe oo Iyada Gacanta ku haysa  Amarka Dalka Iyadoo Maamulada Diidan iyo Mucaaradka Doorkooda Hoos loo Dhigayo.

Warbixinta Marka Hore Waxay Inoo Sharaxaysa Xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya Siduu Ku bilowday Kadibna Waxaan eegi Doona Sheekooyinka Turkiga ee Soomaaliya iyo Muhimada Ay u Leedahay Turkiga Ama xataa Inay Soomaaliya Ka faa’idaysato Tageerada Turkiga.

Waa Bishii Oktoobar 2020, in ka badan laba boqol oo Soomaali ah ayaa saf u galay  Xarunta Tababarka Milatariga Turkiga ee ku taal caasimadda Soomaaliya, Muqdisho, Waxaana Gadaal Ka Yaaley  calanka dalkooda Soomaaliya  iyo calanka Turkiga, iyagoo ku dhaaranaya ,Dhaarta Militaryga ee Soomaaliya.

Kuwani waxay ahaayeen Ciidanka Soomaaliyeed ee ku Qornaa Tababarka Turkiga ugu Tababarayo Soomaaliya 2020- 2021 oo Lagu Soo tababarayo xeryaha militariga  ee Turkiga “Anatolia”, waxayna ahaayeen dufcaddii shanaad ee ciidammada lugta Soomaaliyeed oo Horay Uga Qalin jabiyey.

Maanta, Soomaaliya waddankani Bariga Afrika, oo leh istaraatiijiyad juquraafi ahaan iyo keyd shidaal oo ballaadhan, waa goob ay hawlaha Ankara ka ballaadheen bixinta gargaarka bani’aadamnimada illaa maalgashiga dhaqaalaha iyo iskaashiga milateri si ay door muhiim ah uga ciyaaraan gobol ahaan ,Madama Soomaaliya Bariga Dhexe Uga Taalo Meel Istaraatiji Ah.

Turkida kusii kordheysa Afrika, gaar ahaana Soomaaliya, waxay u soo bandhigeen Soo Jiidasho Khilaafaadyo Badan iyo Awoodo Shisheeye, .Waxaana ugu halista badan caqabadahaas samaynta isbahaysi Masar iyo Suudaan iyo Israel ah oo loogu talagalay in lagu wiiqo saameyntaas Turkiga ee Soomaaliya, Maanta Ankara mid ka mid ah waddamada ugu muhiimsan Geeska Afrika.

Ankara waxay dooneysay inay xoojiso saameynta ay ku leedahay Geeska Afrika iyo Soomaaliya, tan iyo markii ay bilowday Turkiga sanadkii 2005 ee Saamynteeda  “furitaanka Afrika”, sanadkaas oo loo tixgeliyey inuu yahay  Bilowga xoojinta joogitaanka diblomaasiyadeed iyo ganacsiga ee Turkiga ee qaaradda Afrika, gaar ahaan Soomaaliya, oo ay Ankara u aragtay inay tahay xarun weyn oo siyaasadeed Lasocoshada Dhaqdhaqaaqa Khaliijka iyo Afrika , oo ay ugu muhiimsan yihiin Bab al-Mandab,Intaasi oo Dheer tahay Soomaaliya oo  leh kheyraad hodan ah oo la maalgashan karo lana horumarin karo.

Taariikh ahaan, diblumaasiyadeed ee u dhexeeya  Turkiga iyo Soomaaliya Waxay Soo Bilaamatay  1979 , ee furitaanka ee safaaradaha Soomaaliya iyo Turkiga.

Sidoo kale Turkiga Wuxuu Qeyb Weyn Ka Ahaa Dalalkii Ciidanka u Soo Diray Soomaaliya Xiligii Bilowga Dagaalka Sokeeye, khilaafaadkii u dhexeeyay Jeneraal Maxamed Faarax Ceydiid iyo qabaa’ilkii kale ee Soomaaliya wuxuu horseeday macluul iyo sharci la’aan dalka oo dhan.

Ciidan millatari oo isku dhaf ah oo isugu jira Mareykan iyo Qaramada Midoobay (oo loo yaqaan “UNOSOM”) ayaa la geeyay Muqdisho, si ay ula socdaan xabad joojinta isla markaana ay u gaarsiiyaan dadka Soomaaliyeed ee gaajada u dhimanaya raashinka iyo sahayda. Çevik Bir, oo markaa ahaa abaanduulaha guud ee Turkiga, wuxuu noqday taliyaha  UNOSOM bishii Abriil 1993. [3] In kasta oo dib u gurasho ay sameeyeen ciidamada Mareykanka iyo UN-ka kadib dhimashooyin Askarta Nabad Ilaalinta.

Balse Xiriirkani danbe ee Soomaaliya iyo Turkiga waxa ay ahayd sanadkii 2011, waxaa jiray in ka badan 3.2 milyan oo qof u baahnaa gargaar cunno degdegga ah); Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan wuxuu booqasho rasmi ah ku yimid Muqdisho.

Booqashadii Erdogan ee bishii Ogoosto ee sannadka aan kor ku soo sheegnay waxay Xambaarsanayd  dhiirrigelinta Turkiga ee Soomaalida iyo Aduunka Intiisa Kale iyada oo Turkiga bixisay gargaar bini’aadanimo oo aad u ballaaran iyo aasaasidda mashaariic horumarineed oo waaweyn sida dhismaha iskuullo, bixinta deeqo waxbarasho iyo dayactirka dhismayaasha dowladda ee la dumiyey. Dagaalkii sokeeye kadib.

Qiimaha lacagaha ay Ankara ku shubtay Soomaaliya iyadoo kaalmadu ka tarjumeyso heerka uu gaarsiisan yahay danaha Turkiga uu ku leeyahay, laga soo bilaabo 2011 ilaa 2016, Turkidu waxay u qoondeeyeen ku dhowaad 400 milyan oo doolar oo gargaar ah marka loo eego tirooyinka dowladda, halka ganacsiga labada dhinac u dhexeeya uu ka kordhay 6 milyan oo doolar sanadkii 2010 illaa 72 milyan oo doolar sanadkii Sanadkii 2015, Ankara sidoo kale waxay si toos ah u siisay 4.5 milyan oo doolar miisaaniyadda dowladda.

Horraantii Noofambar, Turkiga wuxuu dammaanad qaaday qeyb ka mid ah deynta Soomaaliya ay ku leedahay Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF iyadoo ballanqaaday inay Bangiga ku shubi doonto 2.4 milyan oo ka mid ah Daynta IMF, “tanina waxay si cad uga dhigan tahay in deymaha Soomaaliya ay ku leeyihiin Sanduuqa laga dhimi doono tiro gaadhay 5.2 bilyan oo doolar dhammaadka 2018 lagana dhigayo 3.7 bilyan oo doollar hadda, taas oo macnaheedu yahay in yareynta culeyska deynta , sidaasna ay ku imaan karto awood ballaaran oo kobcin dhaqaale.”

 

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

Aragtidaada Halkani Ka Dhiibo Waan Fasaxi Doonaa

Your email address will not be published.


*