XOG:Deni Ma Wuxuu La Shaqeeyaa Duulaanka SNM ee Sool,sanaag iyo Cayn

waligeed Puntland Waxay kaliya Awoodey Ayaa Ahayd cambaaraynta Duulaanka Soomaliland ee Sool,sanaag iyo Cayn,Iyagoo Beesha Caalamka u Jeedin Jirey kaliya Inay muujiyaan Xad Gudubkaasi.

Balse Nasiib wanaag Tan iyo markii Deni Xafiiska Yimi Wuxuu iska Fogeeyey Wax Dhaleecayn Soomaliland,Taasi Badalkeeda Mar Mar Markuu Dowladda Dhexe Weerarayo Wuxuu Kusoo Hal Qabsadaa Xasuuqi Dowladda Dhexe ee Goboladaasi.

Xiligani oo Lagu Jiro Ololaha Doorasahada Guud Ahaan Soomaaliya waxay Hogaamiyaasha SNM oo ugu Horeeyo K. Biixi Ay Xoojinayaan Arinta ka Dhan Ah Dhaqdhaqaaqa Doorashada ee Sool,sanaag iyo Cayn.

Shirkii golaha wasiirada Puntland oo aan looga hadlin Seexaaradaha SNM ee lagu khasbayo bulshada Sool iyo Sanaag inay ku codeeyaan

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-Guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirada ee todobaadlaha ah.Kulanka oo uu ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaa todobaadkan looga hadlay Amniga, Xaaladda Gobollada iyo Degmooyinka iyo Xeerka Horumarinta Sanduuqa Dhallinyarada.

Inta la Ogyahay Deni iyo Muuse Biixi waxay ku Xidhnaayeen Dowladda Imaraadka,waxaana loo Badinayaa Inay taasi tahay Go’aanka Lagu raali galinayo Imaraadka.

 

 

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

1 Comment

  1. Sool iyo Sanaag iyo Cayn kuwii u dhashay baa mijin qaad ah iyo baako sigaar ah ku beddeshay marka waxba yaan Deni la xag-xagan. Dadka sanaaduuqda hornoodaya waa Dhulbahante iyo Warsangeli marka maxaa u diiday kuwa la dhashay inay madaxa ka toogtaan?? Baasshe isxambaar waa kuwii u kala dheereyneyay sida dumarkii. Xataa waxay awoodi waayeen inay inay ku bannaanbaxaan oo dhagaxtuuraan.
    Soomaalidu waxay tidhaa ruqe ninkii lahaa danada kaga taaganyahay ma kaco.
    Gunnada Dhulbahante cid aan iyaga ahayn masuul kama aha ha ugu horreeyaan kuwa garaadda sheeganaya

Your email address will not be published.


*