Fariintii Sheekh Umal oo Badashey siyaasadii Axmed Madoone Iyo Deni Muqdishona kusii Jeeda.

Fariinta Sheekh Umal ayaa hadal hayn badan abuurtay waxayna badashey siyaasada Axmed Madoone Iyo Deni,waxay abuurtay kacdoon baraha Bulshada oo ka dhan ah.

Fariintii Sheekh Umal wax yaabaha aadka cajiibka wuxuu xusay inay deegaanadooda cabasho badani ka jirto labada maamul isla markaasina aysan dadka ku wareerin Siyaasada Faderalka.

Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo ka mid ah culumada Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan ayaa fariin u diray labada madaxweyne ee maamullada Puntland iyo Jubaland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam, wuxuuna ka codsaday arrin gaar ah.

Sheekh Umal oo fadhigiisu yahay magaalada Nairobi ayaa ka codsaday labada madaxweyne ineysan wax shuruud ah ku xirin ka qeyb galka shirka arrimaha doorashada looga hadlaayo ee la filayo in lagu dhawaaqo maalmaha soo aadan.

“Masaaliixda umadda u tanaasula. Shuruudaha meel iska dhiga. Miiska imaada oo in la wada tashada oggolaada. masaaliixda caamka ah ka shaqeeya,” ayuu yiri Sheekh Umal.

 

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

3 Comments

  1. Sheekh Umal iyo culimada kale ee Soomaaliyeed waxaa kuhabboonayd inay mas’uuliyaddaas israacsadaan oo qummaati ugutaan, iyaga oo wacdigooda kabillaabaya inay siyaasiyiinta ugadigaan dhaqanka xaaraanta maqdaca ah ee bixinta iyo qaadashada lacagaha laaluushka ah ee ay bulshada iyo siyaasadda dalka kufasahaadinayaan.

    Xaqiiqdii, waxaa fajac weyn noqday dhayalka ay siyaasiyiintu – iyo xataa issimada badankoodu – isaga caadeysteen dhaqankan ay diintu sida adag uxarimtay ee salka kuhaya musuqa iyo maasuqa uu laaluushku kakoow yahay. Nimankaa iyo odayaashaa cimrigaas jooga ee lacagahaa xaaraanta ah iskagadhex dabaalanaya, iyaga oo aan aakhiradooda iyo tan ehelladooda udaneynaynin, ayaa wax lala amakaago nagu noqday.

    Soomaalida kumajiro nin maalinkan maanta ah lagu dooranayo amase lagusoo xulanayo isaga oo aan kumannaan kun oo doolar issimadiisa iyo beeshiisa kulaaluushin; waxaa mustaxiil noqday in shakhsi ay akhlaaqdu usugantahay daacadnimadiisa, hufnaantiisa, dadaalkiisa, kartidiisa, iyo aqoontiisa lagudoorto amase xusho.

    Haattanna, waxay xaajo maraysaa in shacabweynaha loodhacay oo laaluush iyo xaaraan lagusiranayo si cid loogu ololeeyo amase loogucodeeyo. Majiro fasahaad dhaqanxumadan xaaraant ah kaxun inay bulsho dhammi kuhaliganto oo masiirku ugahallaabo. Kursi-jeceylku waa caadi marka aafadan musuqa iyo maasuqa ah lagu jimeeyo, waana dhaqankan faasidka ah halka culimada loogabaahanyahay inay jihaadkooda kubeegaan oo labartilmaansadaan.

  2. Sheikh ummul waxaad weydiisaan maxaad umada Soomaaliyeed uu ugu horseedey iney qurbaha ku ahaadeen qaxooti?Nairobi waa dal shisheeye maxaad u fadhidaa Nairobi? Dalkaaga waa Soomaaliyee ee mad joogtaan culimo kulahaa? Dhaqaalaha aad heystaan shiekhyadu waxey ka abuureen maaha Kenyaati dadkooda ee qaxootiga Soomaaliyeed ee uu iyagu meeshaa iyo qurbahaa usoo horseedeen sow maaha? Dhaqaalaha ey culimu kusheegu heystaan manoqonkaraa ribo? Karma san abuurin dhaqaalaha shacabka Kenya oo, waa dhaqaalahii shacabka qaxootigaa iyo eheladooda dibadaha qaxootigaa ah. Culimo kusheegu dhaqaalaha ay leeyahiin maxalaal baa,? Mise waa xaaraam?

  3. Puntland waa dowlad iyo shacab wada jir leh culimo iyo shababkooga xalaal quudato ah wax walibey heysataan culimada Puntland waa xalaal. Culimada reer Puntland “Allah” ha raju. Aamiin Waxey heystaan waxey kasoo saarteen dhulkooda “Allah” raju culimada reer Puntland waligood: Masaakiinta iyo qXootiga dalkooda ku tabaaleysan wey u gargaaraan har iyo habeen. Waxey siiyeen hoy hot your nabad galyo, deegamadooda. Puntland culimadoodu waa xalaal quutado 1000000% Guuleysato waa Culimada reer Puntland.

Comments are closed.