Wasiir janaan oo siweyn loogu soodhaweeyey Gedo GO’AAN Culusna uga Dhawaaqay

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur ( Janan) oo lagu soo dhaweeyay degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa soo bandhigay sababaha keenay in uu la heshiiyo dowladda Soomaaliya

.Cabdirashiid Janan oo goob fagaaro ah kula hadlayay Shacabkii soo dhaweeyay ayaa ku sheegay sababta uu ula heshiiyay dowladda in Shacbaka Gobolka Gedo ay heystaan dhibatooyin ay kamid yihii , Abaarta, Xanuun & Cudurka Coronavirus.

Waxaa uu sheegay in dhibaatooynka kajira Gobolka Gedo aawgeed uu u qaatay go’an kasta, waxaana uu si cad u sheegay in mardambe aysan colaad ka dhici doonin degaannada Gobolka Gedo.

Wafdi ka socda Dowladda Federaalka oo ay hogaaminayaan wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaadiidka Cabdiraxmaan Dheere iyo Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yusuf Al-cadaala ayna wehliyaan saraakiil kale ayaa duleedka degmada Balad xaawo ku soo dhoweeyay Wasiirkii Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan oo dowladda isku dhiibay kadib wadahadal dhex maray.

Wasiir Caddaala “Wasiir Cabdirashiid Janan oo muhiim u ah nabadda gobalka Gedo ayaa heshiis lagaaray Dawladda SoomaaliyaInnaga oo ah wafdi ka socda DFS ayaan kula kulanay Wasiirka Duleedka Beledxaawo Wuxuu ku yimid garasho uu wasiirku gartay in uu u hiiliyo Qarannimada iyo dedaal ay bixisay Dawladdu.

wasiirka waxaa wehliya Ciidamo badan kuwaas oo iyana ku biiriya Ciidanka Qaranka Talaabadaan waa mid ka farxinaysa Qofkasta oo jecel Qarannimada Soomaaliya wuxuuna ka nixinayaa cidkasta oo cadaw ku ah Qarankeenna” sidaas waxaa yiri Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Soomaaliya Cabdirahman Yusuf Al-caddaala oo ka mid ah wafdiga dowladda Federaalka ee Baladxaawo ku soo dhoweeyay Cabdirashiid Janan

 

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

Aragtidaada Halkani Ka Dhiibo Waan Fasaxi Doonaa

Your email address will not be published.


*