Beelweynta Madhibaan ee gobolka Sool oo shir jaraaid ku qabatay magaalada Laascaanood

Beelweynta Madhibaan ee gobolka Sool oo shir jaraaid ku qabatay magaalada Laascaanood ayaa Xafiis ay ugu ololeyneysoMusharax Xildhibaan golaha Wakiilada Somaliland C/Fataax C/Laahi Hadrawi Sangub ku wareejisey , Waxaana ay sheegeen in ay codkooda siin doonaan Musharax ka dib markii uu soo garab istaagay xilligii adgaa.

Munaasibad ballaadhan oo ay ku qabteen Beeshani magaalada Laascaanood oo ay ka soo qayb galeen odoyaasha , aqoonyahan hawaanka iyo dhalinyarada ayey sidoo kale ku cadeeyeen in ay beeninayaan xubno ka mid ah beeshan oo shalay warbaahinta ka hadley kuwaa oo sheegtay in ay ka diga rogteen xisbiga Wadani una diga rogteen xisbiga Kulmiye .

Waxaana ay sheegeen in aanay metelin xubnahaasi , isla markaana ay ka tirsan yihiin xisbiga Wadani , balse waxay baaq u direen gudoomiyaha xisbiga WADANI O C/Raxmaan Cirro oo ay kaga codsanayaan in uu ka soo jawaabo Waxa loogu diidey xubintii ka tartamaysay goboolka Sool ee iyaga meteleysey .

 

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

Aragtidaada Halkani Ka Dhiibo Waan Fasaxi Doonaa

Your email address will not be published.


*