Cadeyn Muujinaysa Madaxweyne Farmaajo Doorashada Ku Guulaysanayo oo lasoo Bandhigay

Tan iyo Intii Ay jirtey Hadal Haynta Doorashada Waxaa Meelo Badan laga Qabtay Codeyn lays loo Qaadayo Mucaaradka iyo Madaxweyne Farmaajo,Codeynta oo Qeyb Ka mid ah Ay Sameeyeen Mucaaradka Laftooda balse Markii Danbe la Joojiyey.

Si kasta Ha Noqote Waxaa xiiso Gaar yeelatay Codeyn Ugu Danbeysey oo La qaaday Baraha Bulshada,sida la Ogyahay Mucaaradka oo Musharaxin Badan oo Isbahaystay Guud Ahaan Cadeynta Ayaa Muujisay Inay boqolkiiba 40 Noqotay Guud ahaan Isku Geynta Musharaxintaay Heleen.

Halka Madaxweynaha Xilkiisa Dhamaaday Maxamed Cabdulahi Farmaajo Helay Boqolkiiba 60 Marka loo eego Dadka u Codeeyey.

Codeyntani oo uu Bilaabay Abukor Qadiid waxaana lays Barbar Dhigay Tageerada Shacabka Xubnaha Mucaaradka iyo Madaxweyne Farmaajo,Sidoo Kale Madaxweynaha Puntland iyo Madaxweynaha Soomaaliya.

Tirada Dadka Codeeyey ayaa ahaa 14kun,Waxaana 11kun oo ka mid ah ay u codeeyeen Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Marka loo eego Mucaaradka Shaqsiga Tageerada Labaad Helay ayaa ahaa Xasan Sheekh Maxamud inkasta aad uu uga Hooseeyo Madaxweyne Farmaajo,Hadana Madaxweynahii Hore Xasan Sheekh maxamud ayaa helay 3kun.

Qiimaynta codeynta ayaa Muujisay aragti in badan Dadka qabeen oo ahayd sababta uu Maxamed Cabdulahi Farmaajo ugu adkaysanayo Qof iyo Cod inay tahay Tageerada loo badinayo inuu Shacabka Ka haysto.

Dadka siyaasada Qiimeeya ayaa sheegay marka laga hadlayo Doorashada dadban ee hada loo Badinayo inay Dhacdo waxaa la sheegay wali in Madaxweyne Farmaajo ku Rajo Badan yahay,madama Barlamaanka Madaxweynaha Dooranaya ay soo Dooran Doonaan Bulshada Rayid waxay Dooran Doonaan Xil dhibaan ay u badinayaan Inuu u codaynayo Maxamed Cabdulahi Farmaajo .

Balse Hadana waxaa Jirta Inaan la Ilooweyn in Xildhibaanada ana marna la fili karayn inay aragtida shacabka qaadanayaan.

 

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

1 Comment

Your email address will not be published.


*