DAAWO DEG DEG; Dowlada Soomaliya oo amar kusoo Rogtey Mahad Salad iyo Nabadoon Xaad Geela iyo Colaada

Dowlada Soomaaliya ayaa soo saartay Dignin u muuqata inay Ku wajahan tahay Siyaasin Qeybo Ka mid ah Muqdisho Dagaal Dhiiri Galinaya iyagoo xoolo Gaadhsiinaya Maleeshiyaadka Mucaaradka.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa farriin u diray siyaasiyiin iyi shaqsiyaad uu sheegay in ay ku howlan yihiin iska horkeenid bulsho iyo qalalaase cusub oo dalka ka dhaca.

Wasiir ku xigeenka Wasaardadda Warfaafinta Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo Warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyay dadaaladii ugu danbeeyay ee R/wasaaraha dalka uu waday, waxaana sidoo kale uu digiin u diray Siyaasiyiin uu sheegay in ay donayaan in ay fashiliyaan dadaaladii nabadeed Ra’iisul Wasaare Rooble waday.

Waxaa uu sheegay in ay ku howlan yihiin sidii mar kale Muqdisho dagaal uga dhici lahaa, waxaana intaas uu ku daray in ay wadaan arrimo bulshada aysan wax dani ahi ugu jirin, taasi oo abuuri karta ayauu yiri kala fogaasho iyo kalsooni darro ka dhex dhalata Bulshada.

 

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

1 Comment

  1. Wasiirka amniga iyo saaxiibbadiis oo uu ka mid yahay kan halkan ka hantaatacaya
    waxaa gadaal ka soo riixaya Farmaajo. Waxay doonayaan inay fashiliyaan dadaalka
    raiisulwasaaraha. Ujeeddadoodu WAA ila meereyso iyo muddo kororsi dadban.

    HungurI xume Midgaan farmaajo ayaa raadinaaya xeelad uu kursiga isaga sii fadhiyo
    isagoo ay ka dhammaatay muddo xileedkiisii.

    Farmaajo ma yaqaan meel uu aado uu ku nabad gelayo haddii laga saaro Villa Somalia.

Your email address will not be published.


*