3 Comments

  1. Marqaan-news hadaanu nahay bulshada ku xidhan site-kan waa u jeednaa in qorayaasha site-kan noqdeen Micro-phone Dawlada fadaralka Somaliya oo wax jira iyo waxaan jirinba soo qoraya. Saaxibayaal meeeday ETHICS-kii saxaafadu lahayd?
    1- Haddii ay jirto Ganacsato waaweyn oo soomaliyeed oo Taageertay Farmaajo waa wax wacan- LKN, maxaa magacyadooda u sheegi weydeen haddi arrintani dhab tahay?
    2- Somaliland oo xaalku ku xun-yahay ka dib heshiiska kenya iyo somaliya- waa arrin wacan- LKn- kani ma news baa? mise waa faalo? Mudo dhow ayey ahayd markii Kenya iyo somaliya heshiiska ahaayeen Somaliland- ay jirtey- dhibina aanay jirin dhinacna. Hadda haddii Kenya iyo somaliya heshiiyeen waa ALXAMDULULAA!!
    Talo Guud: Waxaan soo jeedin lahaa in la ogaado news ama wararku waa saddex shay oo keliya ee saddexdaa lagu ekaado;
    (i)-Arrin ama Wax dhacay. (2)- Meesha waxaas ka dhaceen.
    (3)-Sida wax u dhaceen
    Wixii intaas ka duwan waa faalo iyo booshaaaq

Your email address will not be published.


*