XOG Gantaalahii Israel oo Xanuun Halis ah Laga Helay iyo Askartii Difaaca oo Wada Xanuun Saday

Koox ka tirsan Ciidanka Difaaca Israel (IDF) ayaa ku andacoonaya in ku shaqeynta nidaamka difaaca Israel ee Iron Dome ay siisay kansar, warbaahinta maxaliga ah ayaa werisay khamiistii.

Maalinlaha Israel Yediot Ahronoth ayaa sheegay in koox askar ah oo ka shaqeysay qeybaha ka shaqeeya nidaamka Iron Dome dhamaantood ay ku dhaceen cudurka kansarka dhamaadka shaqadooda ama waxyar kadib.

Iron Dome waa nidaamka difaaca Israel ee ka howlgala koonfurta si looga hortago gantaalada ridada gaaban iyo gantaalada ay kooxaha gadoodka Falastiiniyiinta ka soo tuuraan Gaza.

Yediot Ahronoth wuxuu yiri askartu waxay ku andacoonayaan inuu jiro xiriir ka dhexeeya shaqadooda nidaamka difaaca gantaalaha iyo ogaanshaha cudurka.

Wargeyska Israel maalinlaha ah wuxuu soo xigtay askarta Israel isagoo leh cutubka radar ee Iron Dome wuxuu sii daayaa shucaac iyo kuleyl sababay kansarkooda, waxayna intaas ku dartay inay daabici doonto sheekooyinka 10 askari oo kansar ku dhacay intii ay shaqeynayeen

Jariirada Maalinlaha ayaa xusay in mid ka mid ah askarta, oo lagu magacaabo Ran, uu sheegay hal sano ka dib markii laga sii daayay adeegga milatari, laga helay kansarka lafaha.

Si kastaba ha noqotee, waxay intaa ku dartay, in ciidamada Israel ay ku adkeysanayaan in xogtooda iyo baaritaanka cudurka ay muujinayaan in kiisaska aysan ahayn kuwo gaar ah.

 

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

Aragtidaada Halkani Ka Dhiibo Waan Fasaxi Doonaa

Your email address will not be published.


*