Puntland iyo Somaliland oo Badi Xooftayn tooda Sii Xoojiyey Sool,Sanaag iyo Cayn.

Somaliland ayaa si kulul uga jawaabtay hadal dhawaan kasoo yeeray Maamul Goboleedka Puntland kaasi oo ahaa go’aan ku saabsanaa imtixaanka Sanaag.

Qoraal kasoo baxay Wasdaaradda Waxbarashada Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay qoraalkaas in go’aanka Puntland uu yahay hadal xagjirnimo ah oo aan sharciyad ku dhisneyn, waxaana Somaliland ay intaa ku dartay in habayaratee go’aankaasi uusan wax saameyn ah ku yeelan karin howlaha qaadista Imtixanaadka shahaadiga ah ee ardayda Somaliland.
Akhriso qoraalka Wasaaradda.

“Wasaaradda Waxbarashada Jamhuuriyada Somaliland waxay u xilsaarantahay in bulshada aqoontooda iyo garaadkooda la kobciyo si horumar waara loo gaadho. 25kii sanadood ee u danbeeyey imitxaanaadka shahaadiga ah waxaa si habsami ah looga qaadayey dhamaan ardayda wax ku barata gobolada iyo degmooyinka dalka.

Waxaan baraha bulshada ku aragnay warqada sumadeedu tahay W/W/W/TS/211/2021, kana soo baxday maamul goboleedka Puntland ee dalka aanu jaarka nahay ee Soomaaliya, nuxurkeeduna yahay khalkhal galinta goobaha Imtixaanaadka shahaadiga ah ee qaybo ka tirsan dalka JSL.
Wasaarada Waxbarashada JSL waxay u aragtaa qoraalkaas hadal xagjirnimo ah oo aan sharciyad ku dhisneyn, oo habayaratee aan wax saameyn ah ku yeelan karin howlaha qaadista Imtixanaadka shahaadiga ah ee ardayda JSL.
Waxaanu maamulka Gobolka Badhan la socodsiinaynaa inay indho dhow iyo feejignaan u yeeshaan hadalkaa xagjirnimada ah, si aan waalidiinta iyo ardayda loo gelin dareen aan jirin.
Ugu danbayn Wasaaradda Waxbarashada JSL waxay uga digaysaa cidkastoo isku dayda ama ku fikirta khalkhal gelinta habsami u socodka imtixaanaadka qaranka”.

 

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

1 Comment

  1. Marka aynu Soomaalida cawaannimadeeda kabaxno oo waaqiciga dhabta ah wax kusaleynno, waxaa markasta qaalib noqonaya oo uu dalku iskugudubbadici doonaa qaabka uu hannaanka dawligu ushaqeeyo.

    Dawladnimaduna isir, hayb, midab, iyo caqiido midna kumashaqeyso oo shuqulna kumaleh sideedaba; waxaa haga duruufaha iyo baahiyaha bina-aadminimo ee dad bogcad kasta kunool danahooda iswadaajiya. Juqraafiga ayaa dadka isbada oo danaha kuxeeran ayaana isbida.

    Marka aynu qaab-degameedka geyiga woqooyiga Soomaaliya (Puntland iyo Somaliland) qummaati uqiimeyno, waxaa caddaanaya in aan beelaha kunool wax “xuduudo” ah lakala dhexdhigi karin habayaraatee – Bari ilaa Galbeed. Waa beelo sikasta iskugudhaffan oo iskuguxiran ee aan sina ukalasoocmi karin – bulsho ahaan, dhaqan ahaan, dhul ahaan, iyo dhaqaale ahaan intaba.

    Haddaba, marka maangaabnimada iyo jahliga qabyaaladeed kabaxno, runtu waxaa weeye inay duruufahaasu aakhirka kallifi doonaan in gobollada woqooyiga ee qabtii aawadeed Puntland iyo Somaliland loola kalabaxay ay maamul dallad ah oo mid ah wadaagaan maadaama aanay beeluhu iyo danahoodu sina ukalamaarmi karin sida haddaba jirta.

Your email address will not be published.


*