DAAWO: Muuse Biixi Oo Hablo Dhulbahante Ah Ku Xidhay Berbera

Guddiga Xuquuqul Insaanka Somaliland ayaa dhaliilay sida loo dhaqmayo 8 gabdhood oo laga soo xirey magaalada Laas Caanood iyaga iyaga oo xusaya ama maamuusaya Maalinta Calanka Somalia.

Gabdhahan ayuu Guddiga Xuquuqul Insaanku sheegayaa in ay 4 maalmood jiifeen xabsi ku yaalla isla Laas Caanood kahor intii aan loo gudbiyin magaalada Berbera iyadoo aan ilaa haatan wax dembi ah lagu soo oogin oo aanay maxkamadi dhegeysanin eedda loo haysto.

Komishanka ayaa sheegay inuu gabdhahaa meesha ay ku xiran yihiin booqday 4tii bishan Luulyo isagoo sheegay in ”si wanaagsan loola dhaqmay”, balse ay ku xiran yihiin meel kulayl badan jeer ay ka fog yihiin waalidkooda iyo ehelkooda, iyadoo aan la fahmin sida ay taasi u tahay in si wanaagsan loola dhaqmay.

Waxaa intaa dheer in sida uu isla Guddigu sheegay ay gabdhahani arday u badan yihiin oo ay 3 ka mid ihi ka maqan yihiin sanad-dugsiyeedkii oo bilaabmay, halka 3 kalena ay jaamacad ka dhiganayeen Laas Caanood.

 

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

Aragtidaada Halkani Ka Dhiibo Waan Fasaxi Doonaa

Your email address will not be published.


*