DAAWO XOGTA Madaxweyne farmaajo oo Ku Guulaystey Qorshahiisi Doorashada Hore Aanu idinku Sheegnay

Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta dowlad goboleedka Jubaland ayaa sheegaya in maanta uu garoonka diyaaradaha Kismaayo ka degay Cabdi Cali Raage oo ah shaqsi si weyn ugu dhow madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Safarka Cabdi Cali Raage ayaa imaanaya kadib markii uu Ra’iisal wasaare Rooble soo saaray amar dhigaya in qofna laga celin karin garoomada dalka, taasi oo maalmo ka hor dhaqan galkiisa xilalkii uga qaaday Agaasimihii Shaqaalaha hay’adda NISA iyo Taliyihii Nabad-sugidda ee groonka Aadan Cadde.

Cabdi Raage oo sidoo kale ah Musharax u taagan xilka xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka ayaa dhowr jeer cadaadis hor leh kala kulmay maamulka Jubbaland, oo horraantii bishaan diyaarad uu saarna ka celisay garoonka Kismaayo.

La-taliyaha madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ayuu maamulka Jubbaland ku eedeyay qal-qal gelinta amniga maamulkaas iyo abaabulo ka dhan ah.

 

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

Aragtidaada Halkani Ka Dhiibo Waan Fasaxi Doonaa

Your email address will not be published.


*