Madaxweynaha Puntland Deni oo Musharaxnimadisa Soomaliya Is cadeeyey,Ujeedada Mucaaradka U Sharaxayaan?

Maal mahani waxaa aad u xogaysanayey hadal haynta ku saabsan inuu Madaxweynaha Puntland Siciid cabdulahi Deni yahay Musharax u taagan Doorashada Somaaliya,Taasi oo Masuulinta Dowlada faderalka cadeeyeen inuu ku lug leeyahay arimaha doorashada.

Deni ayaa isku dayaya inuu Xildhibaanada Puntland iyo jubaland u keeno Mucaaradka madama isaga aysan muuqanayn rajada inuu guulaysanayo,waxaa uu isku dayaya inuu Madaxweyne farmaajo ka fogeeyo xildhibaanada labada maamul.

Sida Marqaannews Wararka ay ku heshay mucaaradka Soomaaliya ayaana rajo ka qabin inay helayaan xildhibaanada labada Maamul goboleed ee Puntland iyo Jubaland waxayna dajiyeen qorshe inay deni Sharaxaan kadibna uu soo saaro xildhibaano isaga tageera.

Goor hore wasiirka Qorshaynta Soomaaliya Jamaal Maxamed xasan ayaa sheegay inuu Madaxweynaha Puntland kala baxo faraha Arimaha doorasahada,isagoo sheegay inuu dib ugu dhigay ku dhawaaqista Musharaxnimo si uu samayn ugu yeesho doorashada.

Hadii uu Msharax yahay Madaxweynaha puntland Siciid cabdullahi deni waxay keenaysa cadaadis Madaxweyne farmaajo ,gar ahaan Tageero uu ka helo Xildhibaanada puntland.

 

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

1 Comment

  1. U malayn maayo in uu isu sharaxayo Madaxweynaha Soomaaliya waayo, way cadahay qorshaha ay dejiyeen musharixiinta mucaaradka ahi, fili maayo in uu yahay nin ay mucaaradku Waldo karaan maqaamki daarna ka dhigtaan,
    “Miro hunting ku jira loona daadsho Miro geed saaran”.

Your email address will not be published.


*