XOG:Maxaa Sababay dib U Dhaca Doorashadda Aqalka sare ee Soomaaliya?

Sida ku cad jadwalka doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ee soo baxay 16 July
2021, waxaa loo qorsheeyay qabashada doorashada Xubnaha golaha ay dhacdo 25-28 July 2021,
balse waxa jira 4 qodob fashilinaya jadwalka loo qorsheeyay codaynta aqalka Sare.


Soo gudbinta Liiska musharixiinta.


Madaxweynaha Dowlad-goboleedyada dalka, ayay ehayd in ay soo gudbiyaan liix musharixiinta aqal
sare 17-23 July 2021, mana jiro hal madaxweyne Dowlad-goboleed oo soo gudbiyay liiska
musharixiinta aqalka sare taas oo caqabad ku ah jadka doorashooyinka dalka.


Diiwaangelinta Musharixiinta.


Musharixiinta u tartamaysa mudane-yaasha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la
diiwaan galinayaa marka uu soo gudbiyo madaxweynaha Dowlad-goboleedka waxaana laga
doonayaa musharaxa raga ah 20,000$ halka musharaxa dumarka ahna laga doonayo 10,000 oo
dollar mana jirto ilaa hada hal musharax ay diiwaan galiyeen guddiga doorashooyinka.

Sababta waxaa lagu sheegay in aysan soo gudbin madaxda maamuladda Liiska musharixiinta u
tartamaya kuraasta Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya.


Hadal jeedinta Musharixiinta


Musharixiinta u tartama xubnaha aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa qudbadooda ka
horjeedinaya golaha wakiiladda Dowlad-goboleedyada dalka ka dib marka la soo gudbiyo xubnaha
kama dambaysta ah ee u tartamaya ka midnoqoshada Aqalka sare manajiro ilaa hada musharax
Senetor oo la soo gudbiyay si uu jeediyo khudbadiisa.


Baarlamaanka Galmudug oo Fasax ku jira


Baarlamaanka Dowlad-goboleedka Galmudug ayaa dhawaan la fasaxay waxaa kulankooda ugu
horeeya qabsoomaya horaanta bisha Aug 2021, sida xubno ka tirsan Baarlamaanka u sheegeen
Mustaqbal Media.


 

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

Aragtidaada Halkani Ka Dhiibo Waan Fasaxi Doonaa

Your email address will not be published.


*