DAAWO VIDEO: Xariga iyo Celinta Fahad Yasiin Sida Kenya iyo Jabuuti Uga Shaqeeyen iyo Xanaaqa turkiga iyo Qatar

Diyaaraddii Turkish Airlines ee siday la-taliyaha amniga qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin iyo xubno kale ayaa goor dhow ka duushay magaalada Jabuuti ayada oo kusii jeeda magaalada Istanbul oo ay markii hore ka timid.

Laabashada duulimaadkan, oo lambarkiisu yahay TK687, ayaa timid saacado kadib markii dowladda Jabuuti ay sheegtay in diyaaraddaas ay ku laaban doonto Istanbul.

“Dhammaan rakaabka saaran duulimaadkii Turkish Airlines ee Muqdisho waxay ku laaban doonaan Istanbul, si ay usoo raacaan duulimaad kale oo ku wajahan Muqdisho,” waxaa sidaas galabta yiri wasiirka arrimaha dibedda Jabuuti yiri Maxamuud Cali Yuusuf

Sababta ay maanta diyaaraddaas u iman weyday Muqdisho, oo laga filayey ayaa weli waxaa ka jira warar is-khilaafksan.

 

 

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

Aragtidaada Halkani Ka Dhiibo Waan Fasaxi Doonaa

Your email address will not be published.


*