DEG DEG:wada hadaladii Madaxweynaha iyo Raysal wasaaraha oo Fashilmay

Wasiiru dowlaha madaxtooyada dowlad goboleedka Galmudug Cumar Shido ayaa xaqiijiyay inay fashilantay waan-waantii madaxweynaha Galmudug uu maalmihi la soo dhaafay ka dhex waday madaxda Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Rooble oo khilaaf weyni uu soo kala dhexgalay.

“Sidaad lawada socoteen Madaxweyne dowlada Galmudug Ahmed Abdi Kariye (Qoorqoor) oo maalmahan ah ku howlanaa xalinta khilaafka ka dhashay kiiskii Ikraan Tahliil, oo sababay muran aad u balaaran, oo u dhaxeeyo Madaxweyne Farmaajo iyo Raisal wasaare Rooble. Dadaal badan oo uu bixiyay Madaxweynaha Galmudug oo marxalado badan soo maray iyadoo xiliyada qaar ay shirarku qaadanayeen ku dhawaad 18 saac, ayaa gunaanadkii wuxuu caawa kusoo dhamaaday fashil, iyadoo Rw Rooble garabkiisa ay muujiyeen biseyl badan halka dhinaca kalena lagala kulmay caqabad aad u waaweyn oo soo dadajisay inuu wada hadaladii socday caawa ay istaagaan” ayuu ku yiri qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook wasiiru dowlaha madaxtooyada Galmudug Cumar Shido.

VOA waxay la xiriirtay Cumar Shido, oo xaqiijiyey inuu qoraalkaasi sax yahay, madaxweynaha Galmudug-na uu mowduucaas ka hadli doono.

 

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

4 Comments

  1. Farmaajo waa Faqash xunoo waqtigu ka dhacay. Maxaa lagala hadlayaa? Horta ma istaahilaa in lala hadlo? Farmaajo filashadiiu waa fujis. Waa la fujinayaa.

  2. Farmaajo iyo Rooble midkoodna uma qalmo xilalka ay hayaan iyo siyaasad toona, igmashadoodiina way ka idlaatay oo waa kusimeyaal lug qura ku taagaan. Siyaasadda kasokowna, labadoodu waa qorigii iyo wixiisii la sheegi jiray oo in la islatuuro mooyee aan wax kale mudnayn.

    Xaqiiqadoo ayaase muhiim ah in markasta la xasuusnaado, waxaana weeye in caalamku qummaati ula socdo dhagarta fashilantay ee lagu watay siyaasadeynta kiiska Ikraan Tahliil. Wax kasta oo kudhacayba, gabadhu waxay ahayd shaqaale dawladeed oo qarankeeda u adeegeysay, haddii ay waxyeello gaadhayna markasta qaranka oo idil ayay kamaqantahay ee qabiil, beel, iyo juffo gaar ah ma kamaqna.

    Cabdi Qaybdiid iyo Xasan Aweys wax aan luggooyo ahayn Rooble uma aysan sookordhinin, markii ay maankiisa gaaban ugu shubeen inuu Ikraan Tahliil kiiskeeda qabiileeyo oo siyaasadda qarankana kudhex tuuro. Haaweydu inqilaab dadban ayay kiiskaas kadhigan rabeen, laakiin iyagii bay sixun ugu labaqaraxday oo dhagartaasu way ka fashilantay.

    Sidaas ajligeed, beesha caalamku waxay marwalba xoogga saari doontaa in labadooda uu Rooble meesha kahuleesho maadaama uu shaqadii loo igmaday baalmaray oo xilkiisii dhexdhexaadka ahaana si qeyral-mas’uul iyo qeyral-dastuur ah ugu adeegsaday inuu dalka amnigiisa khalkhal iyo khatar xun geliyo.

Your email address will not be published.


*