Jaf-jafkii labadii Boqol ee Malyan Wasiir Jamaal ii waydiiya!.

Jaf-jafkii labadii Boqol ee Malyan Wasiir Jamaal ii waydiiya!.

Sanadkii 2017dii aniga iyo Xildhibaaano kale oo wakhtigaas ka tirsanaa Baarlamaanka Puntland waxaan safar ku tagnay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, Mas’uuliyiintii lakulankooda aan aadka rabnay waxaa ka mid ahaa Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Amb Jamaal Max’ed Xassan si aan u gala hadalo Arimo la xiriiray Saamiga Puntland ee Mashaariicda Wadanka ka socotay oo uu Gacanta ku hayey Wakhtigaas Wasiirku.

Wax yar ka hor wakhtigaas Dowladda Qadar ayaa dalka Soomaaliya ugu deeqday lacag gaaraysa 200 oo Malyan oo Doollar, lacagtaas waxaa loogu deeqay Soomaaliya oo dhan si loogu horumariyo Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Mashaariicda kale ee horumarineed Waxaana heshiiskaas Dowladda Federaalka u Saxiixay Wasiir Jamaal oo kasoo jeeda Puntland, waana sababta aan u rabnay lakulankiisa Maadaama ay Puntland ka socdeen Mashaariic Horumarineed oo dhowr ah Dhaqaale badanna u baahnaa sida Wadada Ceel-daahir-Ceerigaabo, Airportka Garoowe oo Wasiirku Maanta kasoo dagay isaga oo Qurux badan iyo Wadada Garoowe-Gaalkacyo.

Kulankayagii waxaan toos diiradda ugu saarray Dhaqaalaha Dowladda Qadar bixisay iyo inaan ka rabno Qoondadii reer Puntland ku lahaayeen, Wasiirku wuxuu noogu jawaabay lacagtaas waa la qorsheeyey Puntlandna kuma lahan wax Qoondo ah, Dooddii waxay gaartay in Mashruuca Wadada Ceel-daahir uu Wasiirku Dhaqaalahaas wax uga qoondeeyo.

Haddii doodu ay muddo socotay aadna hadalka la isugu celceliyey la iskuna raftay ayaa Wasiirku yiri hadal Nuxurkiisu ahaa” Waxba idiin mahayo laakiin waxaan isku dayayaa inaan meelo ka mid ah kuwa Dhaqaalahaas loo qoondeeyey aan wax idiinka soo jaf-jafo, Hadalkaas waxaa aad uga carooday Xildhibaanaddii oo dhan waxaana ugu caro kululaa Xubno ay isku Deegaan hoose kasoo wada jeedeen Wasiirka.

Sidoo kale Sanadihii lasoo dhaafay ee Wasiir Jamaal uu ahaa Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya iyo Xildhibaan Golaha Shacabka waxaa aad loogu xaman jirey inuu ku jirey Xubno kasoo hor-jeeday Jiritaanka Dowladnimada Puntland, inuu ka mid ahaa Siyaasiyiin diidan Nidaamka Federaalka, inuu isku dayey marar badan inuu Puntland ka hor istaago Mashaariic badan oo ay xaq u lahayd iyo inuu had iyo jeer u taagnaa Jilaafeynta Puntland.

Hadaba Maadaama Wasiir Jamaal uu Maalmahaan ku jiro Olola Doorasho, isla markaana uu doonayo inuu mar labaad Puntland ku matalo Baarlamaanka Soomaaliya waxaan jeclaan lahaa inuu noo sheego meesha uu galiyey ama ay ku danbeysay Jaf-jafkii labadii Boqol ee Malyan ee markhaantiga badan lahayd iyo inuu ka jawaabo eedaha badan ee wakhtiga dheer looga jeedinayey Miisaska Siyaasadda Puntland!.

W/Q Hon Said Surcad.

Afeef:Qoraalka Aragtida Qoraaga Ayuu Ka Turjumayaa Balse Kama Turjumayo Tafaaftirka Marqaannews.net

 

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

1 Comment

  1. Xildhibaan Surcad runta ayuu ka sheegay shaqsigaan ee wax ma taraha ah ee aan ka cishoon in Mar labaad xildhibaanimo UU u soo doonto Puntland. Ninkaan ee cunaha qabtay Pl, caydana Ugu daray, waa la mid Goodax Bare ee SIDAAS sameeyey.

Comments are closed.