Puntland oo Xayiraad Saartay wasiir Jamaal Maxamed xasan oo Booqanaya Dhahar,Maxay Uga Walwalsan tahay?

Wasiirka Qorsheynta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan oo maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta dowlad goboleedka Puntland ayaa goordhoweyd loo sii galbiyey dhinaca degmada Dhahar ee Gobolka Haylaan, oo laga soo doorto.

Socdaalka Wasiirka ayaa waxaa iska soo tarayay warar uu maamulka Puntland ku sheegay been abuur, kaasi oo ahaa in afaafka hore ee garoonka lagu celiyay dad soo dhaweynayay Jamaal.

Warar lagu faafiyay baraha bulshada ayaa Saraakiisha Amniga garoonka diyaaradaha Garoowe ku eedeyeen in uu ka dambeeyo Wasiirka oo asagu doonaya in uu abuuro jawhareer bulsho.

Waxay sheegen in Wasiirka Qorsheynta dowladda federaalka Soomaaliya uu ujeedo siyaasdeed ka lahaa arrintaas, maadama lagu tiriyo xubnaha sida aadka ah ugu dhow madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ee is-hayaan Saciid Deni.

Soo dhowaynta Wasiir Jamaal Maxamed Xasan ayaa haatan ka socota magaalada Dhahar ee xarunta Gobolka Haylaan, halkaas oo dadweyne kala duwan ku sugan yihiin, wuxuuna isu diyaarinaya olole ku jihaysan in uu mar kale ku laabto kursiga uu hadda ku fadhiyo ee Aqalka hoose ee BFS.

Jamaal Maxamed Xasan oo ah wasiirka qorsheynta Soomaaliya ayaa si weyn ay siyaasad ahaan isku hayaan maamulka Saciid Deni, iyagoo marar badan iska weeraray warbaahinta.

Si kastaba, Puntland ayaa isku diyaarineysa qabashada doorashada golaha shacabka ee heer federaal, taasi oo loolan adag ay u gelin doonaan xubnaha u sharaxan golahaasi.

 

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

1 Comment

  1. Arrimuhu sida ay u kala yihiin waa in loo kala saaro oo weerahoodana loo dhigo. Soomaalidu waa ismadhaanto iyo dhasheed, warxumo tashiilka ay hadda caadeysatayna waa waxa ay sida ba’an u eedday oo maanta halkaa dhigay.

    Jamaal iyo Siciid Deni waa labo siyaasiyiin ah, waxayna kala matalaan labada dawladood ee kala ah federaalka iyo Puntland. Sideedana, siyaasiyiintu meel kasta oo ay caalamka kaga sugan yihiin siyaasadda way ku kala duwanaadaan oo xataa weerarro kulul oo af iyo addinba leh ayaa mararka qaar kadhex dhaca. Taasu dunida waa ka caadi.

    Haddaba, Puntland iyo DFS waa labo dawladood oo arrimo siyaasad iyo dawli ah isku diiddan, dadka labadan matalayaana wixii is’afgaranwaa ah ee kadhexeeya siyaasadda ma dhaafsiisna. Sidaas ajligeed, waxaa badownimo iyo dibjirnimo xun ah in xaajada loo ekaysiiyo colaad beeleed oo beelaha Puntland kuwalaaleysan kadhex aloosan, amase ay tolnimada reer Puntland waxyeello kasoogaari karto.

    Haddii uu Jamaal heer siyaasadeed iskudayo inuu safar qarsoodi ah Puntland kuyimaaddo, isaga oo danaha xisbiga N&N matalaya, Dawladda Puntland xaq buuxa oo dastuuri ah ayay u leedahay inay imaatinkiisa Puntland iskahortaagto oo madaarkana dib uga celiso.

    Haddiise uu socdaalkiisu yahay mid siyaasadda ka baxsan oo ayna Dawladda Puntland sidaas uga warhayso, caqliga saliimka ahi wuxuu qeexayaa in aan loo diidi karin in carrigiisa uu dhalasho ahaan kasoojeedo soobooqdo.

    Beelaha Puntland kutoleysanna waxaa waajib ku ah oo ilbaxnimada iyo xadaaraddana waafaqsan inay kala gartaan farqiga weyn ee kadhexeeya siyaasiga haybtiisa iyo siyaasaddiisa, labaduna ay ukala soocnaadaan marka siyaasadda la isku qabsado.

Your email address will not be published.


*