XOGTA Cadeyn Kiiska Badda Maxkamada Bada ICJ oo Soomaaliya Loo Xukumay,kenya oo Dagaal iclaamisay

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inaysan aqbali doonin haddii si ka dhan ah ay Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) u xukmiso kiiska badda Soomaaliya, taasi oo ay qirtay inay u muuqato inay dhici doonto.

Maxkamadda ayaa war-saxaafadeed ay shalay soo saartay ku xaqiijisay inay ku dhowaaqi doonta xukunka kiiska muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, 12-ka October 2021.

Hase yeeshee, Kenya ayaa wacad ku martay inaysan aqbali doonin wax ay ugu yeertay “hanaan sharci-darro ah,” oo maxkamadda ay u martay kiiskan.

“Waxaan ku soconaa malo ah in xukunka uu noqon doono mid naga soo horjeeda. Habka ay maxkamadda u dhaqantay markii ay la macaamileysay Kenya, oo ay ku jirto inay diiday codsiyo dhowr ah oo qiil lahaa, waa waxa noo tilmaamaya,” waxaa sidaas wargeyska Daily Nation u sheegay sarkaal Kenyan ah.

Sarkaalka ayaa intaas ku daray “Tallaabooyin dhowr ah ayaa la qaaday amni ahaan. Arrintan waa mid leh cawaaqib amniga qaranka ah. Dalka waa inuu xaqiijiyaa amniga iyo badqabka shacabkiisa.”

Sarkaalkan ayaa sheegay, in xitaa Kenya ay aysan aqbali doonin haddii Maxkamadda ay go’aamiso in dhulka la isku hayo loo kala qeybiyo labada dhinac, sababtoo ah buu yiri “waxay ka dhigan tahay in dhul ka mid ah Kenya la dhiibay.”

 

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

4 Comments

  1. Alla yaa u sheega augury, soomaaliyi waa diyaar
    Haddii aan wiil iyo gabari naga harayn waa difaacaybaa dalka iyo dadka, waxaan hubaa in aan ka adagbahay Uhuru iyo Dhuurbo qaatayaadha soomaaliyeed oo inta uu shilimaad siiyo u soo adeegsado dalkoodi, waa hubaa in aan iyaga ka bilaabayno. Soomaali ha noolaato ha guuleysato
    Cadoowgu( mid shisheeye iyo mid sokeeye ahba) ha dhaco
    Soomaaliya guul

  2. Soomaalida waxaan ku baraarujinayaa in sikasta oo aynu kiiskan badda heer maxkamadeed Kenya kaga raynno aysan khatartaasu sidaas ku dhammaanin ee weli sideedii u jiri doonto ilaa hannaanka dawliga ee dalkeenna ku bannaan si taxadar leh looga baaraandego oo loogana foojignaado.

    Dadka siyaasadda iyo diblumaasiyadda caalamka udhuundaloola, waxay garanayaan in hannaanka siyaasadeed iyo dawliga ee reer Galbeedku gebigiisuba yahay mid asal ahaan musuqmaasuq baahsan kudhisan oo kuna shaqeeya, sida qaalibka ahna ay waddamada haybsaday qabsadaan oo aakhirkana kharribaan kuwa bulshooyinkooda uugu damiirxun ee uguna akhasunaassan.

    Mashaqo waxaa ay kataagantahay inay reer Galbeedku ummadaha kale kusiraan oo kuna harowsadaan beenta qayaxan ee ah in hannaankooda siyaasadeed iyo dawligu yahay kan dunida uugu fiican ee ahna “dimuqraaddiyadda dhabta ah”, waase andacood runta aad uga fog xaqiiqdii. Dimuqraaddiyadda waxaa lafu macneeyay ‘nadaam ay bulsho (mise shacbiyad) meel kudhaqan si wadajir ah iskuwaafaqday oo kana unkatay falsafad salka kuhaysa caqiido iyo caado ay aaminsantahay oo muqaddasna u ah’.

    Marka aynu macnahaas dhabta ah ee dimuqraaddiyadda usooxiganno, reer Galbeedku hannaankooda siyaasadeed iyo dawliga ee ay iskudhaqaan waa mid ay kusaleysiisteen caqiidadooda kristannimo iyo caadooyinkooda yurubiyannimo oo ay weliba kusii kala duwanyihiin. Waxaana qalad weyn ah sida ay iyagu dimuqraaddiyadda ugu maldahdeen fasiraadda khiyaaneysan ee “awoodda wadareed”.

    Sidaas ajligeeda, waxaa yaab iyo amankaag noqday sababta ay ku dhacday in reer Galbeedka looga aqbalo inay hannaankooda dadyowga kale ee dunida kulaazimaan, maadaama aan iyaga wax dhaxal ah lala wadaagin habayaraatee? Gaar ahaanna dadyowga 100% muslimka ah sida Soomaalida?

  3. Waxaana kasii daran, sababta loo la’yahay siyaasiyiin iyo aqoonyahanno Soomaaliyeed oo inta gunnimadan dhaadaan oo sixunna uga dhiidhiyaan, deetona Soomaalida ku hoggaamiyaan inay yeelaalato hannaan iyada sooyaalkeeda suubban katarjumaya oo kuna saleysan.

    Dooddayda dulucdeedu waxaa weeye, in haddii uu Soomaaliya ka dhaqangalo hannaankan Galbeediga iyo doorashadiisa xaaraanta ah, uu dalku ku dambeyn doono mid ay dawladnimadiisu musuqmaasuq baahsan kushaqeyso ee uu aakhirkana si aan kasoo kabasho lahayn ugu xidideystay.

    Waxaa ayna taasu dhalin doontaa in dalka kheyraadkiisa siyaabo dadban oo sireysan lagu wada xaraasho, maadaama ay doorashadan xaaraanta ah kusoo bixi doonaan oo dalka xukunkiisana kuqabsadan doonaan qawsaarraada, qawleysatada, tuugada, dhuuniqaateyaasha, iyo dabadhilifyada Soomaalida uugu qabiidsan – kuwaas oo shisheeyaha damaca waalan dalkeenna u qaba inta sookireysteen jeebabkooda kudhex dhaceen.

    Wayna dhici doontaa haddii uusan Rabbi faraj ufurin oo Soomaalida solansiinin inay dhaaddo halista uu hannaankan Galbeedigu aayatankiideeda kuhayo. Waa xaqiiq in guushan badda la isaga daba-iman doono haddii uu dalku hannaanka Galbeediga huwado.

Your email address will not be published.


*