XOGTA Cajiib Ah Sidee Qatar uu Maraykanka ugu Kalsoonaday wada Hadalka talibaan Lacagti laga Dhacay Maraykanka.

Deyrtii 2010-kii, sagaal sano markii uu socday dagaalkii uu Maraykanku hoggaaminayay ee Afgaanistaan, Nin u eg Saraakiisha  Daalibaan wuxuu fadhiistay miis ka  saraakiisha Afgaanistaan ​​iyo Nato ee magaalada Qandahaar.

Kulamadii hore, oo uu ku jiro mid uu la yeeshay madaxweynihii xilligaas ee Afghanistaan Hamid Karzai qasrigiisa Kabul, Mullah Mansuur ayaa soo bandhigay dalabyo la yaab leh oo fudud oo ah heshiis nabadeed si loo heshiisiiyo dalka.

Xoogagga shisheeye,  waxay joogi karaan Afgaanistaan, ayuu u sheegay, Talibanna ma dalban doonto jagooyin dowladda.

Wadahadalladan ayaa yimid xilli Mareykanka iyo xulafadiisu ay raadinayeen waddo looga baxo  waxa Ay ugu Yeedhay  dagaal aana Dhamaadka lahayn , saraakiisha Maraykanka Qaarna waxay Doonayeen Inay ogaadaan hadii talibaan La fadhisan karto.

Kaliya Mullah Mansuur oo ah ninka Kor Aynu ku sheegnay ee Lafadhistay Maraykanka , ayay noqotay, inuusan xubin ka ahayn Taliban. Ninka Qaatay  boqolaal kun oo doolar oo ay siiyeen hay’adaha sirdoonka reer galbeedku waxay u badan tahay inuu  ahaa dukaanle Pakistani ah .

Waxay ahayd Wax  aad looga xishoodo, “Aduunka Waa dadka ugu Doqon San Ameeriko,” Afhayeen Taliban ah  ayaa sheegay .

Laakiin sidoo kale waa dhacdo gacan ka geysanaysa in la muujiyo sida iyo sababta dal yar oo khaliijka ah Gacan uga Geystey Inuu Ku guulaysto wada hadalo Taalibaan,Maraykanka iyo Dowladii Afghanistaan.

 

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

Aragtidaada Halkani Ka Dhiibo Waan Fasaxi Doonaa

Your email address will not be published.


*