XOGTA Xaalada Muqdisho iyo Maamul Goboleedyada oo Qaatay Go’aanka Dhana RW Rooble iyo MD farmaajo

WAR SAXAAFADEED : Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Puntland, Koonfur Galbeed, Jubaland, Galmudug iyo Hirshabelle; Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Madaxweyne Axmed Maxamed Islaan, Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa caawa waxay khadka telefoonka uga wada hadleen xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Dalka Soomaaliya.

Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah waxay ka xun yihiin khilaafka soo noq noqonaya ee hay’adaha Federaalka Soomaaliya oo ah mid aan u adeegeyn danta Qaranka, horseedina kara xasilooni darro amni iyo dib u dhac dowladnimada Dalka Soomaaliya ee xiliga kala guurka ah. Sidaa darteed, Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah waxay soo jeedinayaan qodobada soo socda:

1. In dhammaan wixii khilaafaad ah lagu xaliyo tubta wada hadalka, lana joojiyo qoraalada sii fogeynaya xal u helista khilaafka. Sidoo kalena, la tixgeliyo ku dhaqanka Dastuurka Kumeel gaarka ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

2. In la ixtiraamo, laguna dhaqmo heshiisyadii ay horey u gaareen Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ee 17 September 2020, 27 May 2021 iyo 22 August 2021. Lana sii xoojiyo wada shaqeyntii guulaha lagu gaarey ee u dhaxeysa Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ee lagu fududeynayo qabsoomidda doorashada Dalka.

3. In Xaaladda baaritaanka Sarkaalad Ikraan Tahliil Faarax loo maro hannaanka Qaanuunka Dalka, iyadoo loo madax banaynayo hay’adaha ku shaqada leh.

4. Madaxweynayaashu waxay ugu baaqayaan Guddiyada Farsamo ee hirgelinta doorashada ee labada heer (FEIET iyo SIEIT) in ay waajibaadkooda u gutaan si waafaqsan habraacyada doorashada ee la saxiixay 22 August 2021.

5. Madaxweynayaashu waxay Ummadda Soomaaliyeed guud ahaan ugu baaqayaan in laga wada qayb qaato xasiloonida iyo in Dalka ay ka dhacdo doorasho hufan oo nabad ah si Dalku u helo horumar dhinac kasta ah.

6. Madaxweynayaashu waxay Beesha Caalamka ka codsanayaan in ay dadajiyaan taageerada farsamo iyo dhaqaale ee hirgelinta doorashada.

7. Ugu dambeyn, Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka waxay shir isugu imaanayaan Magaalada Garowe 21 – 23 September 2021 si ay uga arrinsadaan dardargelinta qabsoomidda doorashooyinka iyo guud ahaan xaaladda Dalka.
DHAMMAAD

 

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

3 Comments

  1. Labo cilladood ayaa aniga ii muuqda in ay siyaasadda Soomaaliya sidan xun ucuryaamiyeen, waxayna yihiin: (i) qowsaarro dawladdii kacaanka kasoo haray (ii) shacab aan dawlad-wanaagga khibrad iyo aqoon toona ulahayn.

    Marka giddigood loofiirsado, siyaasiyiinta ay dawladnimada Soomaaliya haddeer kaxasili kari la’dahay waa kuwo dawladdii kacaanka ee burburtay khibrad usoo lahaa oo badankooduna xubno kasoo ahaayeen amase dowr kasoo qaateen – si toos ah iyo si dadbanba.

    Kuwanu waxay cillad dalka ugu noqdeen in maankoodu weli kuqufulanyahay nadaamkii dawliga ahaa ee kushaqeyn jiray inuu madaxweyne Villa Muqdisho fadhiya dalka intiisa kale toos ugu taliyo oo ay Xamarna caasimadda keliya noqoto.

    Maankan gurracan ayaana dhammaantood kayeelay inuu mid walba xoog iyo xooloba duldhigo sidii uu isagu villadaas salka ula haleeli lahaa oo dalkana “ugutalin” lahaa, waana sababta ay siyaasadda dalka Xamar iskugusoo biyoshubatay oo harddintuna ugadhex socoto, iyada oo islamarkaana lagu andacoonayo inuu dalku nadaam federaali ah haybsaday.

    Haddii uu dalku nadaam federaali ah qaatay, nadaamkan hab-udhaqankiisu waa mid aad uga duwan oo cagsina ku ah nadaamkii dawladdii kacaanka, sidaas ajligeedna uu waajibku ahaa in siyaasadda dalku haddeer dawlad goboleedyada ka shidantahay oo loollanka doorashona ay caasimadahooda ka aloosantahay oo diiradda caalamka iyo saxaafadduna saaranyihiin. Haddase sidaas ma aha oo weli Xamar ayaa loo baratamayaa.

    Cilladda labaad waa shacabka oo sixun uga jaahilsan macnaha iyo murtida dhabta ah ee dawlad-wanaagga salka kuhaya dawlad-wadaagnimada, maadaama uusan khibrad hore usoo lahaanin. Sida caadiga ah, shucuubta dawlad-wanaagga waaya’aragnimada taamka ah u leh iyaga ayaa siyaasadda dalkooda toos uhaga oo damaca siyaasiyiintoodana siyaabo aan dagaal ahayn u xakameeya.

    Nasiibdarro, Soomaalida haddeerani waxay ukala qeybsatay labo jiil oo midna dawladdii kacaanka kusoo hos koray oo sida hadda wax u dhacayaan caadi u arka; iyo mid kasii yar oo waxaba sixun ula jahawareersan oo dhan uu u lasafto aan aqoon.

  2. Awalal

    Saaxiib qoraalkaagaa hore aad baan ula dhacay, waanad ku mahadsan tahay.
    Fiiro gaar u yeelo waxa soo socda, ood dhowaan laba sii yaabi doonto, taaso ah in dumarkan meel fog shaqo looga dirsan doono.
    Wana hubaal inay goor dhow oran doonan naag imaam masjid ka ah baanu xaq u leenahay ee hana siiyo.

    fanaka cowdu Bilaah.

  3. @@@Jaalle Ma-naxe,

    Saaxiib, salaan gobeed iga guddoon marka ugu horreeya. Bacdigeedna, aad baan kaaga mahadinayaa inaad qoraal aan leeyahay mudnaan siisay oo aragtina kadhiibatay.

    Waanan kula wadaagaa 100% aragtidaada fog ee aad kagasii bidhaansatay khatarahaas nagu soo socda ee Islaamnimadeenna iyo Soomaalinimadeennaba halista xun gelin doona haddii aynnaan haddeer taxadar kasii gelin xaqiiqdii.

    Mahadsanid.

Your email address will not be published.


*