DAAWO War Cusub Doodii Kenya Dagaalka iyo Xaakimka Soomaaliga ah ee ku jira ICJ oo Diidey Inta looxukumay Kenya

Madaxweynahii Hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed Wuxuu Qiray in Isagoona ogayn waxa uu yahay Heshiiska Ay wada galeen Raysal Wasaare Cumar cabdirashid iyo Kenya,Hadana Wuxuu Ku Amray Sida Afkiisa uu ka Qiray wasiirkii Qorshaynta Cabdiraxman cabdishakuur Inuu Saxiixo Heshiiska.

Waxaa Su’aal kasoo baxday Sidee Ayuu Madaxweyne Sheekh Shariif u Amray in lasaxiixo Heshiiska,Hadiiba uusan ogayn waxa Lagu Heshiiyey ama Laga Wada Hadlay,Taasi Cadeyn Ma u tahay Waxa Mudo badani Soomalida ku Tuhmaysey,balse Aysan Iyaga ka ahayn Kenya inay Dhul siiyaan Balse ay ahayd Aqoon la’aan Dowladnimo.

Madaxweynahii Hore Wuxuu Sheegay In xataa Ay kala Shakiyeen Isaga iyo cabdiraxman Cabdi Shakuur,Marka ay iska soo Horbaxaana Ay kala Jeesan Jireen.

Cabdiraxman cabdishakuur Ayaa Laftiisa Qiray Inuusan ogayn waxa uu saxiixay madama uu Yiri’Aniga Raysal wasaaraha Ayaa Isoo wakiishay,Waxaana Ka Cabsaday Inaan saxiixo Ilaa Madaxweynahii Hore Sheekh Shariif  uu Amray Inuu saxiixo,halkani Waxaa Qiray Sheekh Shariif Sida Aynu Kor ku Sheegnay.

Midaasi oo Laga fahmayo cabdiraxman cabdishakuur Inuusan eed Ku lahayn Kiiska Sababto ah Wuxuu ahaa wasiir Hadii Madaxweynahii oo ana Waxba ogayn uu Amar Ku Siiyey,sidoo kale Raysal wasaarahii Amar Ku Siiyey Awoodaasi Heshiiska Malahayn Wasiirka Wixii kasoo baxa.

Dooda sadexda Masuul Ayaa Hadal hayn badan Soo saartay Xili in ka Badan 10 sano Ay Jireen tuhunka Kiiska,Dhanka Kale Barlamaanka Dowladaasi Iyaguna Waxay Joojiyeen Guud Ahaan ka Hadalka Kiiskaasi,Iyadoona Xukumada Heshiiska Gashay Aysan Barlamaanka La wadaagin Wixii Heshiiska Ka Koobnaa.

Guud Ahaan  Doodani waxay iskugu Soo Ururtay Inay Ahayd Dowlad Ana Waxba iska Ogayn Dhexdooda,Sidoo Kale Ana Waxba ka ogayn Heshiiska Ay Lagalayeen Kenya.

Pro.Jawaari oo isaga Laftiisa Doodani Goob Joog Ahaa Ayaa Malaha Wuxuu fahmey Sheekada Sadexdaasi Masuul ee Aysan 10 sano kadib isku Raacsanayn Wixii Ay saxiixeen,Wuxuuna Yiri”Soomaaliya Waa Dal Illahay Wato,waxaa Jira Dhibaato badan oo illahay ka bad baadiyey.

Dooda Xalay Inkasta oo Ay Ahayd Mid Caloosha layskugu furayey Hadana waxay Soo saartay Tuhumo horayba Shacabka u Qabeen.

Dooda hada Kadib Kama Taagnaan Doonto Inay Cumar cabdirashid,Cabdiraxman cabdishakur iyo Sheekh Shariif gateen Bada Soomaaliya Lakiin waa Inay saxeexeen waxaysan waxba ka ogayn.

 

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

Aragtidaada Halkani Ka Dhiibo Waan Fasaxi Doonaa

Your email address will not be published.


*