DEG DEG Daawo Qaabka Soomaaliya loogu xukumay inta Badan Dhulka Bada kenya isku Khilaafsanaayeen

Soomaaliya ayaa ku guuleysatay inta badan kiiskii dacwadda badda ee kala dhaxeeyey Kenya, ayada oo loo xukumay dhul-badeedkii la isku hayey badankiisa, sida aygo’aamisay Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ).

Maxkamadda ayaa marka hore diiday doodda Kenya ay aheyd inuu jiro heshiis ama is-faham labada dal ay isku raacsan yihiin oo ah inuu jiro xad u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya oo la barbar ah xariiqa loolka, waxayna ayidday doodda Soomaaliya oo aheyd inaanu jirin heshiis noocaan oo kale ah.

Maxkamadda ayaa kadib aqbashay codsiga Soomaaliya ee ahaa inay go’aan ka gaarto xuduud badeedka labada dal, waxayna Maxkamadda ICJ ayiday doodda Soomaaliya ee aheyd in xadaynta lagu saleeyo xariiqda tooska ah ee ku astaysayn xuduudda badda.

Sida ka muuqata sawirka hoose, inta badan dhul-badeedkii ay sheegatay Kenya waa la diiday, hase yeeshee inyar ayaa sidoo kale laga reebay dhul-badeedkii ay sheegatay Soomaaliya, oo ka billaabata kadib 12 mile xariiqda tooska ah ee ku aadan xuduuddda dhulka, waxaana 12 mile kadib xariiqda in yar loo qaloociyey dhanka Soomaaliya. 

Saddexda sawir ee hoose, midka koowaad wuxuu muujinayaa labada xuduud ee ay kala sheegteen Soomaaliya iyo Kenya. Midka labaad wuxuu muujinaya xariiqda ay Maxkamadda go’aamisay. Midka saddexaadna wuxuu muujinayaa dhul badeedka yar ee laga reebay dhanka Soomaaliya, kaasi oo ka billaabmaya kaliya marka la dhaafo 12 mile oo dhanka badda ah kadib.

Si kastaba, Soomaaliya ayaan marnaba welwel ka qabin in awood wax looga qaato, waxaana walaaca ugu weyn ee umadda Soomaaliyeed uu ahaa in sharci caalami ah aan ku weyno dhul badeedkeena.

 

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

1 Comment

  1. Guul aan dareen baahsan loo myeelan iyo kenya waxay damacsan tahay.

    Marka hore usoo gaabiya go’aanka sidan oo dadku haka dhergo.

    1- 15 xaakim ( garsooreyaal) ayaa arintan u fadhiistay inay goaamiyaan.

    2- qodobada laysku haystay waxaa loo soo gaabiyay lix waaxood.

    3- dhamaan qodobadaas waxaa la isku raacay inay keenya khaldantahay Soomaliyana saxsan tahay, badeedana loo daaayo.

    4- waxaa la diiday kaliya in keenya magdhow ka bixiso intii muranka ay furtay.

    5- lixda qodob afar kamid ah dhamaan xaakimiintu way isku raacday oo halkaa wacay tahay cid diiday ama ka hortimid ma jiraan, laba qodobna waxaa loogu codbixiyay HAA ninay tahay 10 xaakim – 4 xaakoim, kan kalena 9 xaakim oo haa ah iyo 5 maya ah.

    Hadaba iyadoo arintaasi sidaa u caddahay ayaa waxaa qorshaysan in Keenya aanay sidaa ku haray ee ay muran raadin doonto iyadoo kaashanaysa shirkadahii waaweynaa ee ay ruqsadaha hore u siisay iyo dublamaasiyiin hoos kala talina.

    Taana waa loo joogaa.

    WQ Geelle Naanaab oo ka tirsan kuliyada saadaasha waaya, waxaana lagala xidhiidhi karaa hirarka gaagaaban, iyo wargeyska ismadhaanto iyo dhasheed.

Your email address will not be published.


*