Guusha Kiiska Badda ee Soomaaliya MW farmaajo iyo Xasan Sh. iyo Bahdilaada RW Rooble

Guusha Kiiska Badda ee Soomaaliya MW farmaajo iyo Xasan Sh. iyo Bahdilaada RW Rooble

Waxaa Laga Dhur Sugayaa Go’aan weyn oo 12 Bishani ay ku Dhawaaqi Doonto Maxkamada cadaalada Aduunka ee ICJ,iyadoo kala xugminaysa muranka Bada Kenya iyo Soomaaliya oo mudo Dheer soo jiitamey.

Inkasta oo Aysan Wali cadeyn Xukunka Maxkamada cida Guusha Ay siin Doonto Maxkamada Cadaalada Aduunka Kenya iyo Soomaaliya,Hadana guul Darada waxaa laga dareemaya Kenya oo soo Saartay tan iyo Markii Maxkamada Go’aamisey Xiliga Lagu Dhawaaqayo Kenya oo Sadex Jeer Ka Hadashay.

Dhamaana ku Sheegtay inaysan u hogaan samayn Go’aankaasi Kuna Tilmaamtay Mid Ay Soomaaliya ugu hiilisay Maxkamada Cadaalada Aduunka.

Kenya Horaba Iyada Ayaa Shaki u Galisey Doodeeda Maxkamada Markii Ay ka war wareegtey Inay Hordhigto Kiiska Muranka Cadaalada Aduunka,waxay dagaal badan u Gashay si loogu Xaliyo Muranka Meel banaan ah.

Markale Kenya Iyada Ayaa diidey Inay Maxkamada Dhagaysato waxaa ay cadeymo haysato,Waxani oo Dhan Ayaa Marka Horaba Shaki Ka Abuuray cadeymaha Kenya iyo Inay Doonayso “Ku Qabso Ku Qadi Mayside.

Maxkamada cadaalada Aduunka Sadex Go’aan Ayaa Mid kasta Laga Fili karaa Marka Laga tago Cadeymaha Muujinaya Kenya inay ogtahay inuu Xukunka Yahay in Soomaaliya loo Xukmiyo.

Maxkamada waxay Awood u leedahay Inay Bada Soomaaliya u Xukunto.Ama Inay Kenya u xukunto.Ama Inay Xariiq Kala Qeybin Ay soo Jeediso.

Kenya Ayaa Labada go’aan ee kale Sheegtay Inaysan Aqbalayn kaliya in kenya loo Xukumo Maahee.

Soomaaliya Go’aanka Wuxuu uga Dhigan yahay Taarikh Guul ah,Marka Hore Waxay muujinaysa Si kasta oo diciif u tahay Awoodeeda,Hadana Inuu Sharciga Caalamiga uu Tixgalinayo Madaxbanaanida Dhuleed,Badeed iyo Cireed ee Soomaaliya.
Dhanka kale Wuxuu Soomaaliya Uga Dhigan yahay In Kenya waxa Ay isku Diidan yahiin tahay Boob iyadoona Tixgalinayn wada hadalada diblumasiyadeed iyo heshiisyada la Gaasho.

Marka Sadexaad Wuxuu Soomaaliya uga Dhigan yahay inuu Banaanka u soo saaro Siyaasinta Dowlada Faderalka ee Soomaaliya ku diidanaa Inay Qaadato Ilaa Heer Cadaadis Kenya,Waxayna Sheegeen Inaysan Kenya Cadow ku ahayn Soomaaliya taaasi cagsigeeda Ay tahay dal Daris ah oo Wanaagsan.

Yaa yeelan Doona Guusha Maxkamada ?

Cidina Ma diidi karto Inay Guushaasi leeyahiin Labada Xukumadood ee Ay kala Hogaaminayeen Xasan Sheekh Maxamud iyo Maxamed cabdullahi farmaajo,Sababto ah Midina waxay Ahayd tii Geysey Maxkamada Midina waxay ahayd tii Diidey wax gorgortan ah inay ka Gasho madaxbananida Soomaaliya.

Noolaha Illahay Abuuray waxaa ugu yar,uguna itaal yar Aboorka Isaguna Dudunta uu Dhiso waxaa ka faa’idaysta Dhamaan Nolooshayaasha Kale Abaalna Ugama helo,Cid Kastaba Guusha ha Keentee Waa Hanti Cid Kasta oo magaca Soomaali oo Kusii Noolaata Dhulkooda iyo Inta Dhalantoonta.

Lakiin Guusha Ayaa Lagu Sii kala badan yahay,xasan Sheekh Isagoo Iska lahaa Guushaasi iyo Abaalka loogu hayo Arinta isaga iyo Saxiibadiisa Waxay dagaal La Galeen Dowladoodi Soomaaliyeed,Talaabo kasta oo Dowlada Soomaaliya ee Madaxweyne farmajao Qaado oo ka Dhan ah Kenya Weydiideen,halka Aysan Ka Jawaabin Go’aamada Kenya Ay qaadaysey.

Waxay Booqdeen Kismaayo iyagoo u Sacabinaya Siyaasinta Kenya oo Kismaayo Ka Qudbadeeyey Kuna Qeylinaya Inaysan Kismaayo Dowlad Soomaaliyeed ka Celin Karin Kenya.

Marka laga hadlo Kenya 4 sanadood oo xukunka uu hayey Madaxweyne farmaajo,xasan Sheekh Maxamud iyo mucaaradka Waxay ka hadlayeen Qatar oo Malaayin Ku maal galisey Wadooyinkii ugu Dhaadheera Taraikhda 30 sano Soomaaliya,Balse Waxaa Sumcadooda lagu qiimayn Doona Marka Go’aanka soo baxo Sida Mucaaradka Uga jawaabaan hadii Ay Muujiyaan Dhex Dhexaad Kenya iyo Soomaaliya ama Ay Dowlada garab istaagaan.

Siyaasi Soomaaliyeed Dhex Dhexaad kama Noqon Karo Xuduudaha Soomaaliya hadii uu ka Noqdana Waa Khaa’inul wadan.
Raysal wasaaraha Soomaaliya Wuxuu booqday Kenya waliba Gobolka Xeebta Lagu Muran san yahay,Wuxuuna Beeniyey Hadalkii Farmaajo ee Ahaa Kenya Ayaa farogalinaysa Soomaaliya,Wuxuu Heshiis lagalay Jabuuti oo xaqdaro ku tageeray Kenya.

Hadaba Marka Kenya Ay Diido Go’aanka Cadaalada Aduunka Raysal wasaare Rooble Ma aqoon san Doonaa Inuu Ku Khaldanaa Heshiis Aysan Dhinaca Kale ixtiramayn.

 

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

Aragtidaada Halkani Ka Dhiibo Waan Fasaxi Doonaa

Your email address will not be published.


*