HALISTA: 4 Arin oo Somaliland Ka Lahayd Masaafurinta Shacabka Koonfur Laascaanod oo Khatar Xun leh Soomaaliya

Xili Dhamaan dhulka Soomaalida Ay taabatay masaafurinta Soomaliland Laascaanood ku samaysay Dadka kasoo Jeeda Koonfurta Soomaaliya,waxaa Siyaabo kala duwan uga hadlay ,Siyaasin,Aqoonyahano,Culimo iyo Caamo.

Umase muuqato inay jirto cid taabatay xaqiiqda qarsoon ee arintani salka ku hayso,waliba iyadoo Soomaaliya u ah masiibo cusub oo horay ana loogu aqoon Soomali iyadu  is masaafurinaysa,xataa jig jiga,Gaarisa iyo Jabuuti ayaa laga xishooda arimahani oo kale mana dhacin,sababto ah intaanba la gaadhin go’aanka waxaa ka horeeya”sidee lagu kala saarayaa dad isku Af ah,isku luuqad ah,isku diin ah oo isku midab ah.

Hada ka hor mar Kenya 2014 ay aad u raafaysey dadka Soomaaliyeed,waxaa dhacday in kuwii kenya u dhashay xitaa ku dartay,waana sababta ka turjumaysa inaysan jirin wax Soomaali lagu kala saaro.

Soomaliland ma dhahi karto  Maanta waxaan hubnaa in dadkaan masaafuriney ay ahaayeen koonfur dhamaantooda ,marka laga tago cida ay iyagu iska tuseen inay masaafuriyaan,xitaa laga yaaba kuwo laascaanood lasoo jeeda oo xooga luuqada muqdisho ula ekaatay inay Soomaliland laascaanood ka saartay.

Soomaalida maaha dad barta dhulkooda iyo gobolkooda,waxaa laga yabaa xitaa in Muqdisho aysan ogayn dhibaatada ka jirta Jowhar,sidoo kale Qaraxa Muqdisho ka dhaca waxaa laga yabaa inay dadka jowhar iska weydiiyaan”maxa wax loo qarxinayaa Muqdisho balse aysan raadin si ay wax uga ogaadan waxa ka socda gobolka ku xiga”

Taasi waxaan ugala jeeda anigoona ka baxayn mowduucayga laascaanood iyo masaafurinta Soomaliland,siyaasin badan oo Soomali ah markii ay ka hadlayeen waxay muujiyeen eeda ugu badan reer laascaanood,inkasta oo run tahay inay eed ay ku leeyahiin gobolkooda wax kasta oo ka dhaca,waxay ahayd inay isweydiiyaan Soomaaliland iyo dadka Sool ma isku raacsan yahiin arinta,muxuuse yahay xidhiidhka ka dhaxeeya Soomaliland iyo Laascaanood .

Hadaba ogolow inaan anagu ku sharaxno,Shacabka laascaanood 30 sano ayey taagnayeen Midnimada Soomaaliya Waa Muqadas halka Soomaliland oo Waqooyi isla wadaagaan walibana  Maamushaa ay Taagnayd Soomaaliland gooni isku taageeda waa muqadas,markaa waxaan ka xumahay in reer Baydhabo soo gaadhaan  in yar oo ka mid ah,wixii Soomaliland kula kacday dadka laascaanood 30.

Walaaca ugu weyn Arintani laga muujinayo waxaa lagu sheegayaa inay in dadkaasi ay ganacsi Ku lahaayeen magaalada Laascaanood oo ana lasiin xitaa wakhti loo qabtay.

Sikastaba waxaay u egtahay arinta inay tahay mid aad uga Dunbalaadhan inta laga hadlayo,gaar ahaana qorshaha Soomaliland ay ka lahayd masaafurinta Shacabka koonfur ee Laascaanood .

Dadka Khubarada Soomaaliyeed ee rog roga arimahani oo kale Ayaa Xogta Shiine Wax ka Weydiisey sababta ka danbeysey qorshaha Soomaliland ee masaafurinta dadka Koonfureed.

Waxaana lagu soo koobay Afar Qodob oo kala Ah.

  • iska Horkeenida Dadka Laascaanood iyo Koonfur
  • Maamulida Xuduudii Ingiriiska oo Ay Joogan Dad yar oo ogol Gooni isku taaga.
  • Masaafurinta Cid kasta oo Diidan gooni isku taaga.
  • Abuurtitaanka Dagaal Cusub oo Beeleed oo u Dhaxeeya Waqooyiga iyo Kuunfurta

Hadaba maxay tahay ujeedada ay Soomaliland ka leedahay qodobada kor Ku Xusan?

Qodobka kowaad hadii aan sharaxno iska horkeenida dadka Laascaanood iyo Koonfur:Soomaliland oo ku dhawaaqday inay ka goday 30 sano ka hor Soomaaliya,dadka Sool,Sanaag iyo cayn waxay noqdeen halka caqabada ku ah yoolka Soomaliland,Sababto ah waxay u taagnaayeen inaysan ka go’ayn Soomaaliya.

Gobolada Sool,sanaag iyo Cayn madama ay yahiin gobolada looga soogalo Soomaliland dhanka Koonfurta iyo Bari,Dad wax falanqeya ayaa sheegay inay Soomaliland noonayso colaad ay kala dhex dhigto Goboladaasi iyo Koonfurta si uu u yaraado socdaalka Koonfurta.

Dadka kasoo Jeeda Koonfurta Soomaaliya meesha gobolada waqooyi ay ugu badan yahiin ayaa ah Sool<Sanaag iyo Cayn Sababto ah Soodhaweynta oo ay isku arkaan inay Soomaali yahiin Si ka duwan gobolada Kale ee waqooyiga,Inta aan laga hadal masaafurinta Sool ee Dadka Koonfurta waxaa isweydiin mudan “Xagee ayey Kala Joogaan dadka Sool,sanaag iyo Cayn iyo Soomaliland gooni isku taagooda.

Si kale aan u dhigno Soomaliland maxay maamushaa Cuduuda Itoobiya iyo Jabuuti ay la wadaagan gobolada Waqooyi marka laga reebo Gobolada Beesha Dhulbahante ee Itoobiya la waadagaan Sidaasi darteeda Xuduuda Labada Dal ee Itoobiya iyo jabuuti ee Gobolada waqooyi waxay u Shaqeeyaan Sida Dowlad Soomaliland ah.

Lakiin Dhanka kale Marka laga eego Gobolada waqooyi Xuduuda Koonfurta Soomaaliya ay la wadaagan looma Tixgaliyo Xuduud laba Dal taasina waxaa sabab u ah dadka Sool,sanaag iyo cayn Ay aamin san yahiin Inay Soomaaliya Hal dal tahay.

Taasi oo kalifaysa Inay Soomaliland Samayso Qorshe Khilaaf Koonfurta iyo dadkaasi ah.

Qodobka Masaafurinta Cid kasta oo Diidan gooni isku taaga:si aad wax badan uga Akhiriso Dagaalka Soomaliland iyo Gobolada Sool,sanaag iyo cayn ee salka ku Haya gooni isku taaga Soomaliland iyo Midnimada Soomaaliya,Waxaad u Baahan tahay inaad Raadiso Dhacdooyinka Bishii luulyo ee Maalmaha Xoriyada Soomaaliya.

Waxayna Soomaliland Xidhay Gabdho Badan oo Kasoo Jeeda Laascaanood iyo Xitaa Caaqilin .Taasi waxay Sharaxaysa halka Ay kala taagan yahiin Reer Laascaanod iyo soomaliland intaan La Gaadhin Baydhabo.

Qaar badan oo ka Mid ah Wax Garadka Sool,sanaag yo Cayn oo aan la hadalnay ayaa Sheegay Inaysan Soomaliland Masaafurinayn oo kaliya Dadka Koonfurta Balse Qorshaha ugu danbeeya tahay Cid kasta oo kasoo Horjeeda Gooni isku taageeda.
Xili Soomaliland Mudooyinka Danbe Ay Xidh Xidhaysey Dadka tageersan Midnimada Soomaaliya waxaa Xoogaystey Dhalinyarada kasoo Jeeda Sool,sanaag iyo cayn oo Xabsi laga Buuxiyey.

7 Bishii Luulyo 2021 Qaar ka mid ah walaadiin carruur ay dhaleen lagu xiray magaalada Laascaanood ‘calanka Soomaaliya oo ay isku sawriyeen awadeed’, Ayaa Sheegay  in carruurtoodaas laga qaaday magaaladii ay ku dhasheen laguna xiray magaalo aad uga fog.
Hooyo Faadumo Axmed oo dhashay mid ka mid ah gabdhaha lagu xiray magaalaga Laascaanood dabayaaqadii bishii Juun ayaa sheegtay in gabadheeda ay ugu war dambaysay 26-kii markaas oo ah markii la xiray.

Waxa ay xasuusataa sida uu ku soo gaaray warka sheegayay in gabadheeda ay xireen ciidammada booliska ee Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax bannaanida ee Somaliland.

“Annagu gabdhaha waxaan moodaynay inay iska joogaan meelahoodan iyo xaafadda, markii abaare 8-dii habeennimo aheyd yaa islaan ordaysa ii timid say tiri gabdhihii waa la xirxiray, oo maxaa lagu xiray oo ay sameeyeen? Calankii Soomaaliya ayey wateen oo ay isku sawirayeen kabacdina waa la xirxiray ayey tiri,” waxaa sidaas ku calaacashay Hooyo Faadumo.

“Maalintii 26-kii Juun ayaa inanyar oo aan dhalay ay iga tagtay, dabeetana habla kale oo meel kale joogo ayey u tagtay, adigu calanka Soomaaliya ayey isku sawireen,” ayey tiri Faaduma Axmed.

“Markaa kaddibna gabdhihii oo meesha jooga – annagu markaa maynaan aragee – ayey askar u timid oo la qabqabtay.”
“Laba habeen ayaa lagu hayay Laascaanood, kaddibna subaxii dambe ayaa la qaaday oo waxaa la geeyay Buurta Sayidka, halkii bay habeen u hoyden, isla habeennimadii ayaa lala tagay oo waxaa la geeyay magaalada Berbera,” ayey tiri Faadumo.

Xafiiska Xuquuqul aadanaha ee Somaliland ayaa Jimcihii walaac ka muujiyey xaaladda 35 gabdhood oo laga soo qabtay magaalada Boorama kuwaas oo loo xiray calanka Soomaaliya oo ay wateen 26 bisha June oo ku aadnayd markii ay xorriyadda qaateen gobollada waqooyi.
Booliska Somaliland ayaa horay u xaqiijiyay in ciidaanka boolliska Gobolka Awdal ay xabsiga u taxaabeen ku dhawaad kontan dhallinyaro (50) ah kuwaas oo la soo baxay calanka Soomaalya.

Dhalinyaradan ayaa xilligii la qabtay qaarkood ku labisnayeen calanka halka kuwa kalana muqaalo iyo sawiro ay ku galayeen meel ka baxsan magaalada Boorama.

Dhalinyaradan ayaa hadda ku kala xiran xabsiyada Somaliland waxaana la hor gayn doonaa maxkamadda iyo xeer ilaalinta si ay uga gutaan waajibaadkoga, sida ay sheegeen booliska Somaliland.

Arimahani oo laga Fahmayo In Go’aanka talada Gobolka Aysan u oolin Cida Deegaanka Balse u taalo Sida Soomaliland u Aragto,Waxayna Soomaliland Gaadhey Masaafurinta Iyadoo aysan Doorku lahayn Wax Garadka Sool,Ama Sanaag iyo Caynba.

Qodobka Abuurtitaanka Dagaal Cusub oo Beeleed oo u Dhaxeeya Waqooyiga iyo Kuunfurta: Waxaa loo Arkaa  Inay Soomaliland Go’aankani u Gaadhey Isla Aragti Mida Kore u Dhow oo Ah in dagaal Laga Dhex Abuuro Dadka waqooyiga Ka tagaya ee xamar tagaya,Taasi oo Mar Marsiinyo u Siinaysa Soomaliland Inay Duubato Ducumintyo Kale oo caalamka Ay Geyso si Ictiraafka u soo Dhawaado.

Soomaliland Ayaa go’itaankeeda waxay u Daliishataa Inay xasuuq kala Kulantay Dowladii Dhexe ee xumaysay Soomaaliya 1991,Sidaasi oo Kale Hadii dagaal Beelo Laga Abuuro koonfur iyo Waqooyi waxay Helaysa Mar Marsiiyo Dheeri Ah,Inaysan Heshiin Karin Koonfurta iyo Waqooyiga.

Soomaliland Markay Sheegayso Inay ka go’day Soomaaliya ee Sool,Sanaag iyo cayna taagan yahiin Inay tageersan yahiin Midnimada Soomaaliya,Dhanka Kale waxay Kala Kulmaysa Siyaasin Beesha Dhexe oo Ka Muuqda Siyaasada Soomaaliya,Waxaana laga Yabaa inay Soomaliland Doonayso Sabab kuwaasi Looga soo eryo Muqdisho.

Qodobka Maamulida Xuduudii Ingiriiska oo Ay Joogan Dad yar oo ogol Gooni isku taaga:Soomaliland Madama Ay ku Dhibtootay Xuduuda Dhanka Koonfurta Halka Ay maamulayso Xuduudaha itoobiya iyo jabuuti waxaa loo Arkaa Inay Doonayso Wajiga Soomalinimada iyo Midnimada Inay Ka saarto Goboladani Waqooyiga Xiga.

Malaha Soomaliland waxay u aragtaa ,Hadii Ay kala jarto Shacabka Koonfur iyo Goboladani inaysan haysan  Ikhtiyaar Kale Inay kacaan iyo Inay qaataan Fikrada Soomaliland waa jamhuuriyad Maahee!

faaladdani waxay ka turjumaysa aragtidayda Shiine ahaan,wixii aad igu raacdo waa illlahay mahadi wixii aad igu diidana  anigu kuguma diidayo.

Mohamed Shiine

Facebook:Mohamed Shiine

Whatsapp:+254714708485

 

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

Aragtidaada Halkani Ka Dhiibo Waan Fasaxi Doonaa

Your email address will not be published.


*