Ku Soomaali Maxamed:Kiiska Badda

Waxaa qoray, Garyaqaan Guuleed Dafac.

Baddii la isku haystay iyo Continental Shelf kii iyo khayraadka ku jira (saliid, shidaal iwm) waxa loo xukumay Soomaaliya. Doodii Kiiniya oo ah mid ujeedadeedu ahayd inay qaadato bad Soomaaliya leedahay waa la diiday. Waxa la qaatay doodii Soomaaliya balse wax baa laga bedelay (adjusted) si caddaalad loo helo. Yaa caddaalad diidi kara? Intaas la leexiyayna Kiiniya wax la sheego umay soo kordhin, Soomaaliya na waxba kama goosan.

Matal: waxa ay la mid tahay 20 boloog oo qof aad dersi tihiin isku haysteen. Qofkaas oo dhulkaaga kugu haystay oo dabadeed laguu xukumo dhulkii uu kugu haystay. Inyar oo idiin dhaxaysa se (nus baloodh) wax laga siiyo si aan beertiisu marinku uga xidhmin. Tusaalaha dhulka Somalilanders ka ayaa aad u fahmaya (gaar ahaan inta Hargeysa joogta ee subax walba dhulka Ilaahay isku haysata).

Mid kale: Continental Shelf la isku haysto khayraadka ku jira lama wada oga waayo Soomaaliya intii ay burbursanayd may baadhin, mana baadhi kari doonto sanadaha soo socda oo dhan. Intii ay xooganayd na cilmiga Continental Shelf ku sidan uma qoto dheerayn.

Kiiniya dhib ayaa haysata: iyada iyo Tanzania xadka u dhexeeya ayaa laynku ku soo qalloocsamay. Soomaaliya laynkeeduna wuu ku qalloocaa sida juquraafi ahaan dhulku u samaysan yahay darteed. Sidaasdarteed, laynka in si dherer ah (parallel) loo calaamadiyo ayay doonaysay Kiiniya si ay u hesho bad. Taas weeye muranka wayn ee jiray ee hada la diiday. Waxa ay Maxkamaddu go’aamisay inaan laynka si dherer ah loo dhigi karin. Sidaas ayay ku wayday Kiiniya waxa ay doonaysa. Intan dan kama laha, wax wayna uma tarayso.

Continental Shelf ku waa arin cilmi ahaan kakan oo saynis iyo sharci iskugu jira. Dhawr sanadood ka hor ayaan ka qayb galay kooras lagu barayay qareenno Afrikaan ah (Afrikaanku ma bartaan waayo dhulkiiba kama ay faa’iidaysan oo bad uma jeedaan). Dadka aannu isku kalaaska ahayn waxa ka mid ahaa qareen Kiiniya u soo dirsatay oo ka tirsanaa Wasaaradda Arimaha Debedda. Macallimiintu waxa ay ahaayeen ICJ iyo Gudida Qaybisa Continental Shelf ka. Waxa iska caddaa inaan Kiiniya sinaba ku helli karin layn dherer ah.

Hadaba, fahamka aynu ka haysanno Continental Shelf ku sax maaha. Waqti dheer ayay qaadan doontaa inaynu si fiican u fahamno oo dabadeed laga faa’iidaysto. Ma hubo in badda Soomaaliland leedahay Continental Shelf, hadii ay leedahay murankeedu wuu ka adkaanayaa ka Kiiniya sababta oo ah Yemen oo aynu iska soo horjeedno (opposite state) inta inoo dhaxaysa way yar tahay oo si cad looma qaybsan karo. Jibuuti oo aynu lafteeda isku dhegsanahay (adjacent State) damac ayaa ku jira. Iska jira heshiisyada aad la gashaan Jibuuti. Your friend could be your enemy. Who knows when.

Xukunka Maxkamaddu soo saartay laftiisu fiqi cusub ayuu soo kordhiyay. Mudooyinka soo socda qoraallo cilmo (scholarly articles) ayaan hubaa inay khubaradu ka qori doonto – kuwo raaca, kuwo diida iyo kuwo si kale u dhiga.

Warkii badda oo kooban.

Waxaa qoray, Garyaqaan Guuleed Dafac.

 

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

3 Comments

  1. @@@Mudane Guuleed Dafac,

    Faahfaahintaada waa mid aad kumahadsantahay, in aad qudhaadu aqoonyahan Soomaaliyeed tahayna waa wanaag aynu aad usoodhoweynayno xaqiiqdii.

    Hayeeshee Guuleedow, waxaa faalladaada cilmiyeysan qiimaheedii qummaati ugu digtay aragtidaada aadka uga hoosdhacday heerkii aqoonyahannimo ee lagaa filayay oo lagaagana baahnaa in aad xaajada kusaleysiiso oo kuna cabbirto.

    Aad baan uga naxay runtii markii aad arrimo aan isgeyin oo cillan iyo caadyaal ukala yaalla iskudhex qastay, oo ah in aad “Somaliland” oo aan dhab iyo rasmiba u jirin kusoo dhex tuurtay baabkan badda ee aadka umuhiimsan oo Soomaaliweynna wada saameynaya – geyi kasta oo ay kusugantahayba.

    Waa ayaandarro aad u weyn in aqoontaada sare ay ku garansiin wayday in sida wax dunida uga dhacayaan casrigan aynu joogno ay bidhaaminayaan in Soomaaliyi midnimadeeda, wadajirkeeda, iyo isku duubnideeda oo keliya ay maalinkan maanta ah kusamatabixi karto oo lagama-maarmaanna kayeelaysa haddii ay siijiritaankeeda u daneynayso.

    Argatidaadaas “Somaliland” ku aaddan iyo dareenka aadka looga naxo ee aad Jabuuti ka muujisay ma ahayn kuwo aqoonyahan Soomaaliyeed ee waaqiciga maanta taagan si dhab ah ufahamsan laga filayay oo loogana fadhiyay. Waxaa uu waajibkaagu ahaa in aad heer ummad ahaaneed wax kucabbirto oo aad una halganto sidii mandiqaddeenan qaaliga ah dib la iskugu kabi lahaa oo Soomaaliweynna uu qaran mid ah ugu wada bilan lahaa ay nacabkeeda iskaga dugsato oo kheyraadkeeda loo wada qamaamayana kaga difaacato.

    Macal Asaf!

  2. Saaxiibb guuleedoow anigu waxaan ahay
    Min Ku dhashay waqooyi ama U dhashay
    Mana aqoonsani wax ka yidhaa Somaliland waxaan aaminsanahay jamhuuriyaddii soomaaliyeed ee calanka
    Buluugga ah ka dhaxeeyey. Dadka la ordaya Somaliland saaxiibb waa isaaq haddaad runta doonayso aakhirkana waxaan U malaynayaa in arintan ay Sababi in reer waqooyi Ku Kala tegi doono waayo nina lama qasbi karo

  3. @ Guuleed

    Salaan dabadeed qoraagu wuu ku mahadsan yahay aragtidiisa qof walibaan a wuxuu xaq u leeyahy fikirkiisa, in la qaato iyo in la diidaana waxay u taal akhristaha. Arigu waxaan ku faraxsanahay in ay dadka Soomaaliyeed ku kala aragti duwan yihiin wixii dhacay ee ku salaysnaa boob iyo isdifaac. Keenya waxay isla heshay codsiyo dhaqaale oo dadaal dheer ay ugu jirtay inay saldhig dhaqaale sii ahaa 100 sano oo soo socda, oo waliba dalalka guddaha afrika een badda lahayn ay iyadu u noqoto saldhig (Point of conntact) oo dhoofka iyo soo dejinta badeecooyinka ay iyadu masuul ka ahaa si dhaqaaleheeda kororkiisu uu usii socdo, gaar ahaanna gobolka coast ay iaydu kuba wareejin lahayd dad galbeedka keenya u dhashay oo aan ama kororka dadka ama isbedelka aasaasigii hore ee dhaqaalaha beeruhu ay saameeysay isbedelka cimiladu. Iyo tan labaad ooo ahayd Soomaalidu ay xanuunsan tahay wax walba oo galana siyaasad iyo laaluush lagu maquunin karo, awoodda ciidan ee keenyana ay marwalba si maldahan u dabajoogto siyaasada guud.

    Waxaa oodhan kasoo tag, meelkasta markay madaxa ku garaacday oo ay waliba raadisay inay Jamciyadda quruumaha midoobay xitaa u fadhiisato si sheekda halkaa looga difaaco ayaa waxay doontay tii laaluushka ahayd inay sii waddo, oo madaxgoboleedyo ayay hoos uga ilka cadaysat, nasiib wanaagna nimankii way u cuntami wayday wixii loo shiday ama damiir wanaag ha ahaa ama baqdin cawaaqib ha noqotee way u socon wayday, balse meel danbe ayaa waxaa ka warhelay Madaxweyne Muuse biixi oo uu wargeliyay nin gobolka siyeeloow guddoomiye ka ah iyo ninka safiirka Soomalialnd u ah, waxaana lagu yiri meelwalba waan idinkala shaqaynaynaa ee nasoo raaca hadaad citiraaf doonaysaan. Nimankii waxay ka baqeen in dadka guduhu kasoo xorjeestaan oo waxaa lagu dayay in arinta uu qarsoodi ku dhaqaajiyo wasiirka arimaha dibedda, balse Keenya oo doonaysa inay xiriirka caadiyeyso ka saartay arintii qarsoodiga waxayna casuntay Muuse biixi oo si farxad leh uga jawaabay casumaada isagoo aaminasanaa wixii nimanka koonfureed dhiba waa kuu dan. Kadib Keenya waxay balan qaaday waxbarasho iyo caafimaadka inay kala shaqayso Soomaaliland.

    Hadaba iskusoo wada duub arintani taariikhdana way gashay meel sida qoraxdiina u cadd ayay soo istaagtay oon la qarin karin, marka ninka aqoonta sheegatay ee riwaayad kale dadka ku maaweelina een toos u bararayn arinta runteena ama aqoontaan gelin ama awalba aqooni ma jirin ee shahaadooyinkii la iibsan jiray.

    Wax yar waxaan idinka xusuusinayaa arintii diyaaradii PK 8303 ee ku duldhacday pakistaan ee guryaha dadka ku laysan iyo macaa rakaabkii saarnaa, waxay baadheyaashu ku gaba gabeeyeey in duuliyuhu uu watay shahaado forgery ama bug ah, ayna tahay dhamaan duuliyeyaasha paakistaan 45 boqolkiiba ay soo iibsadaan shhaadada iyagoon xirfad u lahayn duuliyenimada.

    Marka Guuleedoow aqoonyahanimada ma adigaa macnaystay anagu kaama aan dareemine?

    Waxaa qoray Geelle Naanaab oon ka gaban runta, kaadibadanena u gogol badiya si aanu umadda u fidnayn.

Your email address will not be published.


*