Maamulka Koonfur Galbeed oo Guddi u saaray dadka laga soo musaafuriyay laas-Caanood

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa Guddi kumeel gaar ah u saaray dadka laga soo musaafuriyey magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska  Madaxweyne laftagareen ayaa waxaa lagu sheegay in Guddiga  ay raadin doonaan hantida dadka laga soo musaafuriyay Magalada laas-Canood, kaas oo ah mid balmarsan Diinta & hanaanka dhaqanka dadnimada Soomaliyeed meeldhacna ku ah xaquuqda Aadanaha ee Caalamiga ah oo ay ku kacday Somaliland.

“ Markuu texgaliyey: Hab dhaqanka aan wanagsaneyn ee ay Somaliland kula dhaqantay muwaadiniin ta  Koonfur Galbeed ee ku sugan laascaanood iyo in guddigu sameynt doono gurmad iyo dib-u-dejin dadka lasoo barakiciyey ayaa Madaxwweynaha Koonfur Galbeed waxaa uu Magacaabay Xubnaha Guddiga oo kala ah.

  1. Maxamed Abukar Cabdi

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha &Dowladaha Hoose ee KGS

Guddoomiye

  1. Axmed Madoobe Nuunow Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta & Maalgashiga & Horumarinta Dhaqaalaha ee KGS

Xubin

  1. Maxamed Cusmaan Xaaji Wasiirka Wasaaradda Cafimaadka ee KGS

Xubin

  1. Wasiirka Wasaaradda Gadiidka Cirka iyo Dhulka ee KGS Xasan Xuseen Maxamed

Xubin

  1. CabdinAasir Cabdi Caruush Wasirka Wasaarada Gargaarka , Maareeynta & Musiibooyinka ee KGS.

Somaliland ayaa muddo Saddex Maalmood oo xiriir ah waxa Magaalada laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool kasoo musaafurisay in ka badan 2000 oo qof, kuwaas oo degaan ahaan kasoo jeeda Maamulka Koonfur Galbeed, waxaana falkaas ka carooday inta badan Shacabka Soomaaliyeed.

 

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

1 Comment

  1. Soomaaliland arikan ay samaysay waa qiiq isku qarin dad ay iyadu layso bay leedahay dad gurigoodii jooga oo aan waxba galabsan oo nabad ku jiifa baan raafayaa bal caruur iyo dumar iyo waayeelo maxay galabsadeen? La garay tobankan qof ama hebel waan ka shakinay amaan daray wadaan laakiin umad dhan waa khalad wayn isaaqland galay taariikhdaa qori.

Your email address will not be published.


*