2 Comments

  1. @@@Bahda Marqaan News,

    Walaalayaal, tayadiinna saxaafadeed ee sarreysa ka ilaashada waxyaabaha si sahlan idiin ka nusqaamin kara, sida warxumo-tashiilka iyo caadifadda iyo xamasaadda qabyaaladeed ee Soomaalida sha’niga iyo sumcaddaba sixun uga dilay.

    Faallooyinkiinna, falanqeyntiinna, iyo habka aydin wararka utebisaan waa inay markasta kusaleysnaadaan halbeegga iyo asaaliibta saxaafadeed sidii la idin ku yaqaannay. Waayahan dambe hoos ayaydin uugasii dhaadhaceysaan xaqiiqdii, waana nasiibdarro aad looga murugoodo runtii.

    Dadka heerka goshiyeed arrimaha Soomaaliyeed ku qiimeeya oo kuna cabbira ee aqoontana u saaxiibka ah, waxaa ay marwalba dhacdooyinka nasiibdarrada ah ee Soomaalida ka dhex dhaca ku dheehdaan aragtida fog ee ay taariikhda dunidu diiradda u tahay.

    Waxaa xaqiiqo lama-inkiraan ah, in dhacdooyinkan hadda Soomaalida ku cusub ay dadyoow kale oo haatan xadaaradnimo iyo ilbaxnimo lagu xamanayo lasoo darseen oo casharro dhaxalgal ahna kasoo qaateen. Qarannimada iyo dawlad-wanaagga sahal iyo dhayal lagu ma hanto ee muddo dheer iyo marxalado badan oo kala duwan ayaa loosoomaraa xaqiiqdii, Soomaalidana marxaladahaas ayuun bay haddeer lafoolanaysaa.

    Marka aynu heerka goshiyeed kasoo dheehanno oo kuna qiimeynno, runtu waxaa weeye in Sool iyo Sanaag juqraafi ahaan rasmi uga tirsanyihiin geyiga Woqooyi Bari ee Soomaaliya. Taasu macnaheedu waa mid bayaan isaga cad, waxaana weeye in hannaan kasta oo dawli ah ee ay Soomaaliya aakhirka saldhigato ay dadka Sool iyo Sanaag iyo Cayn ku nool geyiga Woqooyi Bari wax walba lawadaagi doonaan – nadaamka dawladda goboleed ee geyigan; ganacsiga iyo ilaha dhaqaale; isusocodka iyo isdhexgalka bulshada iwm.

    (hoosta kasii daalaco)

  2. Tanina adduunyada oo idil ayay caadi ka tahay oo dadku inta hadba geyi iyo gobolladiisa ku wada nool oo oodwadaagna ku ah ayaa nadaamka dawliga ee heerkoodaasna qaabkaas wax ugu wadaaga; danaha iyo duruufaha juqraafiyeed ayaana sidaas kallifaya ee wax kale ma aha. Waxaana xaqiiqadan nooga ifbaxaya in heer bina-aadamnimo wax lagu wadaago ee aysan reer-hebelnimo iyo waxan ay Soomaalidu caadeysatay iyo beelabeeleysiga shuqulba ku lahayn.

    Sidaas ajligeeda, beelaha Sool iyo Sanaag iyo Cayn ku nool sina uga ma maarmi karaan Puntland inteeda kale maadaama ay isku geyi yihiin – wax kasta oo dhaca. Cidda kusheekeysa inay beelahani geyigan intiisa kale ka maarmi karaan khayaal iyo mala’awaal waaqiciga dhabta ah kafog ayay kadhex qarwayaan xaqiiqdii.

    Sool iyo Sanaag iyo Cayn dekadaha iyo madaarrada Puntland inteeda kale kadhisan ayaa uga dhow kuwa dalka daafihiisa kale kuyaalla. Marka aynu maskaxda dhaqaale qummaati ukaashanno, macnuhu waxaa weeye in ganacsatada iyo shacabka Sool iyo Sanaag iyo Cayn aysan sina uga maarmi karin ilahan dhaqaale ee kadinkooda ku beegan. Marnaba macquul ma noqonayso inay Xamar mise Kismaanyo mise Berbera iyo Hargeysa miciinsadaan, waayo waxaa ay ku noqonaysaa cibaarada loo yaqaanno “Bad Economics” amase “Economic Ignorance”.

    Dadka reer Sool iyo Sanaag iyo Cayn waxaan kulatalinayaa inay runta iyo waaqiciga dhabta ah indhaha ku kala qaadaan oo dhaadaan inay juqraafi ahaan geyigooda Puntland la magac baxay katirsanyihiin oo aysan sina uga maarmi karin – dhan walba. Mana aha wax hayb iyo isir kusaleysan ee waa waaqici uu aadmigu wadaago oo noloshana haga.

    Ka xorooba caadifadaha iyo xamaasadaha jaahiliga ah ee ragaadka baahsan idin baday.

Comments are closed.