Somaliland oo shaacisay in gobol kale ay ka billaabeyso musaafurinta reer Koonfurta

Somaliland ayaa dhawaan billaabi doonta inay musaafuriso dadka kasoo jeeda Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ee ku sugan gobolka Saaxil, sida uu shaaciyey maamulka gobolkaas.

Badhasaabka gobolka Saaxil, Dr Axmed Maxamed Xaashi ayaa shaaciyey inay bilaabeen tirakoobka dadka Koonfurta, islamarkaana ay deegaanada gobolka ka saari doonaana, sida uu sheegay.

“Anaga waxa noo socda diiwaan-gelinta, inta ay doonaan ha noqdaane waa in marka hore tiradooda la ogaado waxaana u qaban doona waqti, waxaa kala mid noqoneyna dalka Somaliland,” ayuu yiri Badhasaabka gobolka Saaxil.

“Dadka Berbera nala jooga waa dad aan ognahay oo la socono, laakiin kala mid baa nahay sidaa gobolada kale, si amaanka loo xoojiyo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey badhasaabka.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Ajaanib kasta oo ku sugan gobolka Saaxil, gaar ahaan magaalada Berbera ay ka saari doonaan, maadama ay laanta socdaalka Somaliland ay soo saartay in deegaanada Somaliland laga saaro dadkaas.

Ma aha markii u horeysay ee Somaliland ay musaafuriso dad kasoo jeeda Koonfurta iyo Bartmaha Soomaaliya, waxayna markii u horeysay ka billowday magaalada Laascaanood, oo si qasab ah looga soo masaafuriyay ganacsato iyo dad kale oo ka soo jeeda Koonfurta.

 

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

1 Comment

  1. Waar nimankan yaa wax u sheega.

    Marka hore in dad muslim ah la qaxiyo ama laga saaro guryahooda waa xaaraan, oo waatii qu’aanku sheegay. waxaa kaloo xiga waxii karaamo ahayd ee reer waqooyi lahaayeen ee lagu sheekayn kiray waa gob iyaduna ha iska saqiirto. Tan kale dad Soomaali ah oo aad isugu baahan oo meelalba wada jooga ama wada dhashay waxna isu dhalay cadawtinimo sidaa u qoddo dheeraata in la dhexdhigu miyaanay ahayn foolxumo taariikhda galaysa oo cidina aanay ka hadlay, oo waan khaldami karaaye hadii hal sheekha aa hal oday ah ama hooyo kasoo jeeda Hargeysa, Burco, Ceerigaabo amaba laascaanooday ka hadayshay ama ay u danqatay dadka ha la’iisheego.

    Marka umad la rogayo waa marka dadku xaqqa iska indhatiraan ama ama xumaantu la waynaato. Miyaan la xusuusan Xarshin?

    Maxaa beri lagu jawaabi iyadoo xaaladu sidaa loo ladan yahay ayka duwanaato meelkalena lagasoo kiciyo umad degaankan u dhalatay, oo hadana hantidoodii la dhaco. Waxaabase taa kasii wayn dadka dadka cunsiriyadeeyaa aakhirka iyagaa iscuna, waana xaqiiqo in ummaddu markay dadkale u ogolaato inay gudeheeda si nabad ah ula noolaadaan bay iyagiina dhexdooda kala badbaadaan

    Shalay maanta iyo berri soo weeci faduusha taariikhduna ha qoranto.

    Waxaa qoray maqaalkan gaaban Geele Naanaab oo maamule ka ah machadka saadaasha waayaha, horayna u qoray waarimayside war hakaa haro, iyo ‘foolxumo laba afleey. Waxaad kala xidhiidhi kartsaan mawjadaha hirarka gaagaaban iyo dhexyaalka maars iyo neptune.

Your email address will not be published.


*