Maxaa Sababay Mucaraadkii oo Burburay Weerarna Isku Qaaday Dhexdooda

Taageerayaasha midowga musharixiinta mucaaradka ah ayaa si weyn ugu loolamaya baraha bulshada, waxaana u muuqda iftiin aysan dadka dhan u wada jeedin oo ah kursi la qaadanayo madaxweyne Farmaajo kadib.

72 saac ee lasoo dhaafay shaqada ugu weyn ee baraha bulshada dhanka Soomaalida iyo qoraaladii ugu badnaa ee la abuuray waxay u dhaxeeyeen taageerayaasha afar musharax oo kawada tirsan midowga musharixiinta.

Kooxahaan waxay isku diidan yihiin kursi aan la hubin cidda qaadan doonta mucaarad iyo muxaafid, inta aanba kursiga la gaarin aan dhahno doorasho aan la hubin.

Jamaahiirta Xasan Sheekh Maxamuud, Xasan Cali Kheyre, Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa aad isugu naqdiyey baraha bulshada, oo qaarkood ku fogaaday madaxda.

Dadka farriimaha gudbinaya qaarkood waa howl-wadeeno u shaqeeya musharixiintaas, qaar siyaasad ahaan u taageersan iyo kuwa beel ahaan u taageersan ayey isugu jiraan.

Doodaha intooda badan waxay ku fooraraan Xasan Cali Kheyre, waxayna siyaasadda Xamar noqotay in marba musharax miiska la saaro, waxaana la iibiyaa inuu heysto fursad wanaagsan, hadba siyaasiga markaas la iibiyo inuu sare u kac sameeyey waxa uu yeeshaa cadow u badan musharixiinta kale iyo taageerayaashooda.

Waayahaan marka la eego hadalheynta dhanka siyaasadda iyo sida doorashada ku socoto waxaa Muqdisho aad looga hadal hayaa Sheekh Shariif iyo Xasan Cali Kheyre, waxaana taas sii dheer inay waayadaan labadoodu aad isugu soo dhawaadeen siyaasad ahaan.

Maadaama hadda labadaas nin uu warkooda suuqa si weyn u yaalo, waxaa la sheegay inuu ku socdo dagaal siyaasadeed oo isla musharixiinta dhexdooda ah.

10-kii bilood ee lasoo dhaafay marba musharax ayaa sameeyey sare u kac aan dhaafin afka, waxayna dad badan ku wareersan yihiin sida sheekooyinkaan loo abuuro, maadaama aysan jirin wax weyn oo dhammaan xubnaha midowga musharixiinta sameeyeen oo lagu kala hormarin karo intii ay isku safka ahaayeen.

Fahamka ugu dhow waa miisaanka uu leeyahay fadhi ku dirirka siyaasadeed ee Soomaaliya iyo sida ay u fududahay in hadba aragti cusub la iibiyo.

Dagaalkaan hadda ka socda baraha bulshada cinwaankiisu waa rajo la dirir, hadba waxaa lagu jiheeyaa qofkii la sheego inuu rajo leeyahay.

Afartaan musharax inta aan la gaarin dagaalka cidda kursiga qaadan doonta, waxaa sidoo kale heysta walaac ku saabsan rajo xumada doorashada. Qofka kursiga qaadan doono inta aan la gaarin waxaaba gacan ku jirin doorashadii.

Meeshii ay musharixiinta iyo jamaahiirtooda xoogga saari lahaayeen sidii lagu abuuri lahaa cadaadis dalbanaya in doorashada la dadajiyo waxay u jiheysteen mudnaanta kursiga.

Intaas waxaa dheer musharixiinta iyo qaar jamaahiirtooda kamid ah waxay inta badan u dhigaan doodooda sida in Farmaajo ka haray tartanka.

Mar walba xilli doorashada Soomaaliya, madaxweynaha xafiiska jooga waa ninka ugu fursadda badan tartanka doorashada, sida laga bartay diiwaankii hore. Inkastoo laga adkaaday dhammaan madaxdii xafiiska u tartantay iyagoo kursiga ku fadhiya oo uusan midna soo noqon, hadana doorasho walba iyagaa hoggaaminayey fursadaha iyo wareegga koowaad ee codeynta.

Dagaalka u dhaxeeya jamaahiirta xubnaha mucaaradka wuxuu dhinaca kale nafis siyaasadeed u yahay kooxda madaxweyne Farmaajo oo hadana inta ay mucaaradka isku maqa yihiin heli doonta fursado ay isaga daweeyaan dhaawacyada ku yaalla ee ka dhashay habkii qaldanaa oo ay dalka u maamuleen afartii sano ee lasoo dhaafay.

 

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

5 Comments

  1. Dawladnimada saxda ah sideedaba waxay ku dul qotontaa oo kushaqeysaa hannaan dawli ah oo sugan iyo dastuur rasmi ah oo lagu kor dhidibbay oo toos uhagaya. Sidaas ajligeed, waddan kasta oo hannaankiisu u liganyahay ayaa lahaada nadaam dawli ah oo kusaleysan xukuumad talada haysa iyo mucaaradad hoggaaminta dalka kula tartamaysa oo si rasmi ah uga hawlgalsan.

    Soomaaliyase, ma aha waddan ilaa heerkaas u qaangaaray oo waxaa qalad weyn noqonaya in siyaasaddeeda yacyacoodda ah looga faalloodo sida aad mooddo waddan waddamada caadiga ah la siman. Dalka oo idil ayaa qabyo ah sidiisaba. Sidaas aawadeed, waa hadal aad loogu qoslo in lagu andacoodo in awalba dalka ka jirtay mucaaradad rasmi ah oo iskuduuban.

    Kuwan lagasoo warramayo in ay kala boodeen markoodii horeba waxay ahaayeen qawsaarro iyo qawleysato u roorayay damacooda waalan ee hanashada Villa Xalane iyo boobka hantida qaran u loollamayay, sababta keliya ee ay isu baheysteenna ay ahayd in ay dhurwaayada hadda Villada gudaheeda baruurta ku cunaya buulka ka dhacsadaan.

    Majirin wax kadhexeeya oo ay kumideysnaayeen iyo xukuumad rasmi u jirta ee ay hannaan dawladeed iskuhaystaan sida dunida kale – walaa qaddiyad, walaa mowqif, walaa aragti, walaa siyaasad. Cid iyo wax aan naftooda ahaynna ma aysan matalayn.

  2. Dal kasta waa in uu leeyahay hannaan isaga u gaar ah ee uu salka kuhayo asalkiisa horeba, la’aantiisna uusan abid haleeli karin qarannimo iyo dawladnimo dhab ah ee uu qummaati ugu naalloodo.

    Hannaankuna waa dawliil guud oo ay gundhig iyo tiirarba u yihiin hiddaha iyo dhaqanka dadka dalka iskaleh dhaxalka u ah; dhaxalkaas oo ka kooban fadaljeerkooda u khaaska ah, caqiidadooda iyo caadadooda u muqaddaska ah, iyo falsafaddooda siyaasadeed ee ay aaminsanyihiin. Waa dhammaan astaamaha dad kasta jiritaankoodu salka kuhayo.

    Haddaba, Soomaalidu waa ummad dhaxal u gaar lagu galladay oo waxaa uuna si sahlan ugu noqon kari lahaa hannaanka iyada ka tarjumaya ee ay siyaasaddeeda, qarannimadeeda, iyo dawladnimadeedaba kusaleysan karto – haddii ay garaadkaas iyo garashadaas soli lahayd.

    Waxaase ayaandarro weyn oo laga murugoodo noqotay, in ay hannaanyo qalaad oo in iyada dhaxalkeeda qaaliga ah lagaga zuuliyo loogu talagalay ka dabawareeggooda muddo qarni kudhoowad ah iskaga baylihisay oo sidaasna nolosha kaga saagsaagtay oo kagana saaqidday.

    Waana sabata teer iyo xornimadii ay siyaasiyiinteennu qarannimo iyo dawladnimo dhab ah isugu waafaqi kari la’yihiin oo mandiqaddeenuna u saldhigan kari wayday muddadaas d oo dhan: waxaynu isku dirqinaynnay wax aan inoo qalmin ee aan ina geyin oo aan innaba ina qaban karin.

    Qarannimo iyo dawladnimo Soomaaliyeed abidkeen ma haleeli doonno haddii aynaan hannaan sugan usii yagleelanin, hannaan aan dhaxalkeenna kusaleysnaynna wallee baynaan abid ugu xasili doonin oo ragaadkan iyo rafaadkan kaga bixi doonin.

  3. Kuwaas oo aad leedahay waa ay dagaallameen dhexdooda, hadba koodii soo hara ayaa faqashta xukumaya. Maxaayeelay Faqashtu waa ‘minority’.

  4. Kan ay Farmaajo yiraahdaan waa ‘condom’ uu isticmaalo Fahad Yaasiin. Wuuna iska beddelayaa goor dhow oo ‘condom’ cusub buu gashanayaa. Soo diyaar garow oo isa soo nadiifi. Sidii Farmajo ayaa laguu aroosayaa ee isa soo hagaaji ina Faqashow.

  5. Eerible Farnfar:
    Dee Adiga Ninkii Hooyada fuulo Waa Adeerkaa miyaad Faqash kala Jeceehahay, Marba haddaadan marnaba Adigu Faqashade Noqonayn Dee Faqashtu haku fashaqsato kkkk kkk kkkkk kuu ku fuulaaba waa Faqash kkkkkkkkk Adigu Faqash u joog miyaad tahay? Goormaad wax Faqashan doontaa?Erayga Faqash Wuxuu ku Baxay Hablihii Idoor ee Wanla wayntu Fashaqaysay kkk Dee Huuno wuu Fashaqsaday.

Your email address will not be published.


*